Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

War Deg Deg ah iyo Faahfaahin–Xildhibaan Saado Cali waxaa loo diley dhul ay lahayd oo xoog loo heystey

$
0
0

breaking News from PuntlandWarar rasmi ah ayaa warbaahinta Puntlandi ay ka heleen dad aad ugu dhowaa Alla naxariistii haka waraabiyee Marxuumad Saado Cali Warsame iyo sababaha loo diley.

Maalmahaan waxaa socdey dacwada Dhul ay Marxuumadu lahayd oo si xooga looga haystey dacwadaasoo Maxkamad macmil ah oo Muqdisho ku taal ay duudsiisey Xildhibaanada isla markaasna u Xukuntey Dadkii Xooga ku heystey.

Sida aan xogta ku helney Marxuumada kama aysan harin Hantideeda ee maalmahaan waxay wadey dacwo ka dhan ah Dadka dhulka hestey iyo sidey dhulkeeda ku helilahayd.

Waxaa cad in dilka Marxuumadu uu ku salaysnaa dhulkeeda oo la xalaalaysanayay.

Wararku waxay intaas ku darayaan in ay Marxuumadu shalay la hadashey Dad asxaabteeda ah ayna tiri “War heedhaha dhulkaan waxaan uga cabsi qabaa inuu nafteyda galaafto oo waan baqsanahay”.

Wararka aan helney waxay kaloo sheegayaan in Xildhibaanadu intii aan la dilin isla maanta ay u dacwootey Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari ayna ogaysiisey In Maxkamad ay dhulkeedu u Xukuntey Dad xoog uga heystey dhowr iyo labaatan sano.

Dilka Xildhobaanada waxaa fuliyey dad shaki badan abuurey marka loo eego habka loo diley, waxaa diley afar nin oo si kalsooni ah u fuliyey dilka mana ahayn nooca Al-Shabaab wax u dilaan ee wuxuu ah nooca ay maleeshiyo beeleedyadu wax u dilaan.

Puntlandi


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508