Warar aad laysula dhex marayo ayaa sheegaya in xildhibaan Cali Khaliif uu booqasho aan la shaacin oo qarsoodi ah uu ku joogo deegano ka mid Puntland.
Ma cada ilaa hadda qasdiga iyo ujeedooyinka safarka xildhibaanka ee degaanada Puntland.
Waxay noqonaysaa socdaalkii ugu horeyey, marka laga reebo caleema saarkii boqor Burhaan, ee calu khaliif ku yimaado degaanada puntland oo uu wax badan xildhibaanku hawada u mariyey naceyb iyo cadaawad gaamurtay oo uu qabo shacbiga iyo dawlada Puntalnd.
Marar badan oo is xigta ayuu xildhibaanku warbaahinta kaga tiraabay in aanu wax dhaqan iyo dhiig ah midna la wadaagin shacbiga reer Puntland, sidoo kale hadda ka hor waxa uu xildhibaanku laanta afka somaaliga ee Bbc London uu u sheegay inuu dhaqaale badan ku bixiyey asmadii dastuuriga aheyd ee ka dhacday puntland sanadkii 2001, xiligaas oo cali khaliif ahaa Raisal wasarahii xukumadii Cabdiqaasin salaad Boy, Isku soo wada duubo waxa shacbiga Puntland quudareynayaan xog iyo faafaahin ka sugayaan dhinaca Dowlada.
Xildhibaan Cali Khaliif Galayr ayaa shirkii Taleex uu ka waday ka cararay ka dib markii kooxo taabacsan Soomaaliland oo isla deegaanka ah ay soo weerareen, xiligaas ka dibna wuxuu Xildhibaanku gaarey Deegaanka Saaxdheer, isla Deegaankaasna waxaa uga daba tagey kooxo ay jifo hoose yihiin oo taabacsan Soomaaliland.
Xildhibaan Cali Khaliif waxaa la baahiyey inuu Shalay Islaan Bashiir kula kulmey Bursaalax balse warkaas wuxuu ahaa been abuur oo Islaan Bashiir wuxuu joogaa Gaalkacyo, mana uusan la kulmin Xildhibaanka.
Puntlandi
Gaalkacyo