Wax-garad, Odayaal, Siyaasiyiin iyo Aqoonyahano kasoo jeeda deegaanada Puntland, ee ku dhaqan dalka Netherlands, ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid allaha u naxriistee, AUN Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe, oo July 19, 2014, ku geeriyooday magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.
Wasiirkii hore ee Macdinta iyo Biyaha Dowlada Soomaaliya ee TFG, Eng. Axmed Maxamuud Xandulle iyo Marwadiisa Drs. Maryan Ruun Cilmi Kaarshe iyo Caruurtooda, ayaa tacsi guud u direy dhammaan Ummdda Soomaaliyeed,gaar’ahaan Eheladii uu ka baxay Marxuum (AUN) Garraad Cabdullaahi Garraad Soofe.
“Allaha u naxariistee Garraad Cabdullaahi Garraad Soofe, waxa uu ka mid ahaa Isimada sida-weyn looga yaqaanno dalka Soomaaliya, waxaa lagu xasuustaa nabad jacayl, wanaag ka-talin, Soomaalinimo & cibaado badnaan” Ayuu yiri Eng. Axmed Maxamuud Xandulle, waxa uuna Marxuumka Eebe ugu baryay inuu janadii Fardowso Allaha ka waraabiyo.
Waxaa sidoo kale Tacsi taa la mid ah Ehelada Garaadka u diray, dhammaan Jaaliyada Puntland ee ku dhaqan waddanka Netherlands.
AUN Garaad Cabdullaahi Garraad Soofe, oo July 19, 2014, ku geeriyooday magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn, ayaa u geeriyoodey Xanuun kusoo boodey kaddib markii uu tukadey Salaadda Casar, isagoona dadweyne fara badan kula tukadey Masjid Jaamaca weyn ee magaalada Buuhoodle, waxaana lagu wadaa in july 20, 2014, lagu Aaso Magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn. Innaa lillaah wa innaa illeehi raajicuun.
Abdihakim Abdi Ismail
Amsterdam – Netherlands