Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Daawo Gudiga Buundada midigar oo kaalmo ka dalbadey Qurba joogta ku mashquulsan qabashada Xafladaha iyo baashaalka

$
0
0

Waxaa xaqiiq ah in kumayaal Dollar ay Jaaliyadaha Reer Puntland ee Dibada ay ku kharash gareeyaan qabashada Xaflado iyo soo dhaweyn loo sameynayo shaqsiyaad gaara, dhaqaalahaasoo hadii Dalkii lagu horumarin lahaa baahi badan dabooli lahaa, sida Dhismayaasha kaabiyaaasha dhaqaalaha ee dalka.

Gudiga loo xilsaaray buundada midigar ayaa hada qaylo dhaan u direy Jaaliyadaha Puntland ee Dibada si ay gacan uga geystaan dhismaha Buundada oo lafdhabar u ah dhaqaalaha Puntland iyo isku xirka Magaalooyin badan.

Jaaliyadaha Khubaro ku xeel dheer dhaqaalaha oo Puntlandi la hadley waxay sheegeen in Jaaliyada Puntland ee Qurbaha ay tahay Jaaliyada ugu horeysa ee xafladaha ku qabta Qurbaha, waa muhiim xafladaha qaarkood laakiin waxaa haboon in dib loo xasuusto dalkii.

Hoos ka daawo Video-ga gudiga buundada midigar


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles