Bisha soo socota ee Ogosto bilowgeeda waxaa Washington DC lagu casumay ku dhowaad 50 hogaamiye oo afrikaan ah kuwasoo la kulmi doona Madaxweynaha Maraykanka, kulankaan ayaa loogu yeerey The United States–Africa Leaders Summit, waxaana lagu casumay Madaxda Afrika oo gaaray 50 wadan, waxaan la casumin inta la shaaciyey Wadamada Erriteria, Zimbabwi iyo Sudan.
Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa hada casumaadiisa loosoo mariyay Safiirka Soomaaliya ee Maraykanka Cumar Cabdirshiid, wuxuuna Madaxweyne Xasan Sheikh gaari doonaa Washington DC dhamaadka bishaan Luuliya.
Puntlandi.com
Washington