Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Dhamaan Dadkii saaraa Diyaaradii MH17 waa la heley meydkoodii waxayna kala ahaayeen

$
0
0

diyaarad
Dhamaan 298 dii qof ee ku nafwaayey Diyaaradii Malaysiya Airline ee lagusoo ridey Ukrain ayaa la aqoonsadey.

Soomaali kuma jirin rakaabkaas ku haligmey Flight MH17 kuwasoo ka kala yimid Sagaal wadan oo kala ahaa sidan hoose.

-192 waxay ahaayeen Holland, Qof ka mid ah uu Hollandeys Basaboor Mareykan ah watey.
-44 qof oo 15 kamid ah ay ahaayeen shaqaalihii Diyaarada iyo Laba caruura oo hada dhashey waxay ka yimaadeen Malaysiya oo Diyaarada laga lahaa.
-27 Qof waxay u dhasheen Australiya
-12 Qof oo uu ku jiro ilmo hada dhashey waxay ka yimaadeen Indonuusiya.
-4 Qof waxay ahaayeen Jarmal.
-4 Qof waxay ahaayeen Belgium.
-3 Filibiin ayay ahaayeen.
-1 Qof Kanada ayuu ka yimid.
-Qofka u dambeeya wuxuu ka yimid New Zealand.

Sida la xaqiijiyey Diyaarada waxaa ku dhacay Gantaal ay rideen Mucaaradka Ukrain oo Dad Ruusha ah taageero buuxdana ay ka helaan Ruushka.

Waxaase muran ka taagan yahay Gantaalka Diyaarada lagusoo Ridey oo ah mid aysan awoodin kooxa mucaraadka ahi iney Dowlada Ruushku ku gacan lahayd rakibaadii Gantaalada noocaan ah, Ruushku wuu iska leexiyey eedeymahaas wuxuuna eeda dusha ka saarey Ukrain oo uu yiri iyagaa ridey Diyaarada.

Waxaan illaa hada gacan lagu hayn Sanduuqii Madoobaa ee Diyaarada(Black Box), kasoo macluumaad badan laga helilahaa.

Sargaal u hadley Ukrain wuxuu yiri “Sabduuqii madooba Ruushkaa heysta”

Puntlandi.com
Post@puntlandi.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles