Warsaxaafadeed kooban oo ay soo saartey Malasiya Airline ayaa lagu sheegey in maanta lawayay Diyaarad rakaab oo Boeing 777 ay ayna shirkadu leedahay waxaana saarnaa 297 qof.
Saacado ka dib waxaa la xaqiijiyey iney Diyaaradu ku dhacdey xadka Ukrain iyo Ruushka.
Sargaal la sheegey inuu Ruush yahay ayaa lagasoo xigtey in Diyaarada uu Gantaal ku dhacay oo lasoo ridey mase uusan sheegin cida ridey gantaalka.
Dhinaca kale Nin ku xeeldheer difaaca Cirka ayaa CNN u sheegey in gantaalka gaaray diyaarad rakaab oo hawada sare ku duulaysa uu yahay mid ciidan ama Dowlad xoog leh ay heysato oo qura.
Diyaarada dhacdey waxay saaka ka duushey Amstardam dalka Holland waxayna ku socotay Caasimada Malaysiya ee Kuala Lumpur.
Macada in Soomaali saarney diyaarada iyo inkale maadaama Soomaali badan degan tahay Malasiya.
Puntlandi.com