Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

War-saxaafadeed: Mashruuca cusub ee Midowga Yurub iyo AU-IBAR ee Xoolaha Soomali ah oo caawin doona 250 000 oo Qoys

$
0
0


European Union Mission to Somalia

Mashruuca cusub ee Midowga Yurub iyo AU-IBAR ee Xoolaha Soomaalidu wuxuu taageeri doonaa 250,000 qoys oo xoolo dhaqato ah si ay u dhoofiyaan xoolaha

Maanta, Midowga Yurub iyo Xafiiska Khayraadka Xoolaha ee Midowga Afrika (AU-IBAR) ayaa waxay bilaabeen mashruuc cusub oo lagu xoojinayo bixinta adeegyadda caafimaad ee xoolaha Soomaaliya. Mashruuca oo laga doonayo inuu sarre u qaado wax –soo saarka xoolaha oo la gaadhsiinayo 250,000 Soomaali xoolo dhaqato ah iyo inay joogteeyaan doofka xoolaha. Iyada oo laga faa’iidaysanayo sanadadii sida wanaagsan laga soo shaqeeyey waaxda xoolaha Soomaalida, Mashruuca cusub oo ah 4 Milyan Euro waxa yidhaahdaa “Xoojinta Adeegyada Caafimaad ee Xoolaha Soomaaliya” (RAHS) waxay ujeedadiisu tahay sarre u qaadida tayada, helitaanka, iyo waarida adeegyada caafimaad ee xoolaha la siiyo.

Mashruucani wuxuu joogtaynayaa adeegyada hore u jiray ee ay ganacsatadu kaalinta fiican ka qaadatay koritaanka dhaqaale ee waaxda xoolaha iyada oo la xoojinayo awoodaha iskaashi ee dawladda iyo ganacsatada kaas oo u dhexeeya laamaha dawladda ee xanaanada xoolaha iyo ururada ganacsi ee gaarka loo leeyahay ee ka shaqeeya adeegyada caafimaadka xoolaha. Xoolo dhaqatada iyo beeralayda  xoolaha dhaqatada ayaa ka faa’iidaysanaya adeegayda caafimaadka xoolaha ee sarre loo qaaday sidoo kalena waxay ka qayb galayaan dejinta iyo fulinta barnaamijyada lagula soconayo ama lagu xakamaynayo  cudurrada xoolaha ku dhaca si loo ilaaliyo caafimaadka xoolahooda. Mashruucani wuxuu sarre u qaadayaa dakhliga wuxuuna hoos u dhigayaa cunto yaraanta in ka badan 250,000 oo qoys dalka oo dhan.  

“Midowga Yurub wuxuu taageerayay waaxda xoolaha Soomaalida sanado badan, Waxaa sidaa yidhi Safiirka Midowga Yurub Michele Cervone d’Urso. Dhoofka xooluhu wuxuu ka mid yahay tiirarka dhaqaalaha ee Soomaaliya, isagoo abuura 65% fursado shaqo. Taasi waa sababta ay aad muhiimka u tahay in kor loo qaado adeegyada caafimaadka xoolaha ee dalka.”

Hawshan waxaa isku duba ridaya AU-IBAR iyada oo si dhaw ula shaqaynaysa Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha, Ururada Dhakhtarada Xoolaha ee Soomaalida iyo laba hay’adood oo caalami ah oo ka shaqeeya waaxda xoolaha Soomaalida oo kala ah COOPI iyo Terra Nuova. Kulanka daneeyayaasha mashruuca ee Soomaaliya wuxuu dhacayaa June 2014.

Dhamaad


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles