Warar Dublamaasiyadeed oo howlwadeenada Puntlandi heleen ayaa tibaaxaya in Urur Goboleedka IGAD uu ka caawinayo Siyaasiyiin kasoo jeeda Gobokada Bay, Bakool iyo Shabellaha Hoose dhismaha Maamul Goboleed ay yeeshaan Sadexdaas Gobol.
Sida aan warka ku helney waxaa kaloo dhismaha maamulkaan iyana ka qayb qaadanaya Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo ku xeeldheer dhismaha Dowlad Goboleedyada.
Sida aan xogta ku helney dhowaan ayaa Adis ababa waxaa ka furmaya Siminaar ama kulan ay isugu imanayaan Siyaasiyiinta Deegaankaas.
Sida ku cad Khariirada nabadeynta Soomaaliya iyo heshiisyadii horey loowada gaaray Urur Goboleefka IGAD wuxuu u xilsaaran yahay Dardar galinta dhismaha Maamul Goboleedya Soomaaliya, Sidaas awgeed IGAD waxay hada dardar galinayaan dhisnaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
IGAD waxay hirey uga qaybteen gacanweyba ka geysteen dhismihii Jubaland.
PUNTLANDI
ADIS ABABA