Muqdisho–17 Juun 2014–Pi– Rayasal wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheikh Axmed iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u safray Dalka Kenya iyagoo Nairobi uga qayb gali doona Shir halkaas ka dhici doona.
Wararka Puntkandi ka helayo Xafiiska Raysal wasaararaha ayaa sheegaya in Raysal wasaare Cabdiwali Sheikh Axmed uu Dowlada Kenya kala hadli doono Xaaladaha Amaan ee labada Dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalanka Al-shabaab oo maalmihii u dambeeyey weeraro dhiig badan ku daatay ka gaystey Gudaha Kenya, Wuxuu kaloo Raysal wasaaruhu si shaqsiyan ah uga tacsiyeyn doonaa Dowlada iyo Shacabka Kenya weeraradii dhulxeebeedka Kenya ay ka geysteen Al-shabaab maalmihii lasoo dhaafay.
Puntlandi
Muqdisho