Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

(Sawiro) Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Wafdigii uu Hogaaminayay Si Maqaam sare ah loogu soo dhoweeyay Dalka Imaaraadka Carabta

$
0
0

Abu Dhabi–15 juun 2014–Pi– Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa galinkii dambe ee Maanta Si kal iyo laab ah loogu soo dhaweeyay Magaalada Abu Dhabi ee Dalka Isukutagga Imaraatka Carabta (UAE).

Wafdiga uu Madaxwayne Gaas hormuudka u yahay waxaa kamid ahaa Gudoomiye xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Dowladda Puntland Mudane Cabdixamid Sh. Cabdisalam, Wasiirka Ganacsiga Maxamud Xassan Soocadde, Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada iyo Xiriirka Caalamiga Mudane Dr. Maxamed Cabaas Cumar, Wasiir-Kuxigeenka Maaliyedda Ahmed Yaasiin Saalax iyo saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowlada Puntland.

Masuuliyiin katisan Wasaarada Arimaha DIBADA Isukutagga Imaraatka Carabta (UAE) ayaa siwanagsan Madaxwaynaha iyo Wafdigiisa ugu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Abu Dhabi .

Madaxwayne Gaas ayaa mudada uu ku suganyahay Dalkaasi kulamo laqaadanaya Masuuliyiinta ugu sareeya Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta iyagoona si qoto dheer uga wada hadli doona xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada Dowladood.

Sidookale Madaxwayne Gaas waxa uu kulan balaaran la qaadan Doonaa Jaaliyada Puntland ee Wadankaasi,isagoona u Bandhigi doonaa horumarka baaxada leh ee Puntland ka soconaya.

IMG_2518

IMG_2519

IMG_2527

IMG_2529

IMG_2530

IMG_2531

IMG_2533

IMG_2537

IMG_2538

IMG_2539

IMG_2540

IMG_2544

IMG_2545

IMG_2547

IMG_2548

IMG_2556

IMG_2558

IMG_2559

IMG_2565

IMG_2566

IMG_2568

IMG_2569


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles