Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Golaha Deegaanka Degmada Baargaal oo Doortay Guddoomiye iyo ku xigeen‏

$
0
0

Golaha Deegaanka degmada Baargaal ee gobolka Gardafuu ayaa doortay
guddoomiye iyo ku-xigeenkiisa, kaddib markii maanta halkaasi lagu
qabto doorasho. (Sawirada hoos ka daawo)

Golaha Deegaanka Degmada Baargaal oo ka kooban 21 xubnood oo shalay la
dhaariyay ayaa codka dhiibtay. Codadkii la dhiibtay waxaa helay
Abuukar Axmed Yuusuf (Abuukar Indhacade) oo noqday guddoomiyaha golaha
deegaanka ahna guddoomiyaha degmada Baargaal asagoo helay codadka 15
mudane oo kamid ah 21 xildhibaan ee codeeyay ,Sidoo kale, golaha
deegaanka ee Baargaal waxay ku-xigeenka degmada u doorten Yuusuf
Maxamed Xirsi

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdule
Indha-guran oo goob-joog ka ahaa doorashada ayaa marka hore u
hambalyeeyay gudoomiyaha cusub ee la doortay iyo ku xigeenkiisa asagoo
kula dardaarmay inay la yimaadaan shaqo hufanaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale u mahadceliyay guoomiyihii hore soo
dhawayntii wafdigooda iyo qaabka uu u diyaariyay jawiga doorashadu ku
dhacday.

wuxuuna wasiirku ballan qaaday inuu u qareemi doono Baargaal , Lana
shaqayn doona xubnaha la doortay iyagana laga rabo inay wada
shaqeeyaan kana shaqeeyaan hormuarka degaanka.

waxaa kaloo ka hadlay munaasabada wakiilka Hay’adda PDRC oo ballan
qaaday inay tababar u qaban doonaan golaha cusub ee deegaanka baargaal
marar badana ku soo noqon Doonaan Degmada Baargaal.

Intaasi kadib ayaa waxaa madasha ka hadlay gudoomiyaha la doortay iyo
ku xigeenkiisa oo labaduba sheegay inay dareemaayaan culayska
musuuliyadeed ay qaadeen ayagoo u mahad celiyay golaha deegaanka ,
balan qaadayna inay muhiimada koowaad siin doonaan soo celinta
haykalka dawladnimo ee degmada wada shaqayn fiicana la yeelan doonaan
golaha deegaanka , odayaasha , iyo waxgaradka degmada.

Sidoo kale waxaa ka hadlay munaasabada tartamayaashii laga guulaysaty
ayagoo u hambalyeeyay xubnaha la doortay ballan qaadayna inay wada
shaqayn buuxda la yeelan doonaan kuna garab istaagi doonaan siday u
gadan lahaayeen waajibaadkooda shaqo.

abwaan shube oo kamid ah abwaanada ugu caansan Puntland ayaa ugu
danbayntii murti kula dardaarmay xubnaha la doortay iyo guud ahaan
bulshada degmda Baargaal

Maxamed Ibraahim Axmed
Baargaal

DSC04923 DSC04926 DSC04927 DSC04928 DSC04932 DSC04933 DSC04934 DSC04948 DSC04957 DSC04970 DSC04976 DSC04984 DSC04999 DSC05001 DSC05002 DSC05003 DSC05010 DSC05014 DSC05015


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles