Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yusuf oo ku jirey Dhowr Madaxweyne oo Maraykanku dusha kala socdey dhaqdhaqaaqooda

$
0
0

AbdullaahiDocuments cusub oo uu soo bandhigay Wargayska ka soo baxa Jarmalka ee Spiegel oo ay ka soo qaateen Edward Snowden oo ah ninkii dhowaan kasoo fakan jirey Sirdoonka Maraykanka, iminkana mangalyo u jooga Dalka Ruushka ayaa waxaa ku cadaa in Hogaamiyayaal dhowr wadan ay Hay’ada Nabad sugida Maraykanka (The National Security Agency NSA) ay dusha kala socotey dhaqdhaqaaqooda, lana dhagaysan jirey Telefoonada, Documentskaan Cusub oo Wargayska Spiegel ay kasoo heleen Edward Snowden waxaa lagu sheegey in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Alla ha u naxariistee Cabdullaahi Yusuf, Hogaamiyaha (chancellor) Jarmalka Angela Merkel, Madaxweynaha Palestinian Mohmoud Abbas, Raysal Wasaarihii hore ee Malaysian Abdullah Badawi iyo Haweyneydii Reer Ukrainian Yulia Tymonshenko ay ay Maraykanku la socdeen dhaqdhaqaaqooda.

Warbixinta waxaa ku xusan in Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf uu ahaa nin ku adag siyaasadiisa, Wadani na ah, Go’aan adagna, ayna aad uga cabsan jireen Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee la shaqeeya, waxay kaloo ku sheegeen inuu ahaa nin Go’aan adag ka qaata Arimaha Beesha Caaalamka ee Soomaaliya kaalmeeya, had iyo jeerna jecel in go’aankiisa la qaato markuu la xaajoonayo Beesha Caalamka , sidaas awgeed Sirdoonka Maraykanka iyo waliba Hay’ada Nabadsugida Maraykanka (The National Security Agency NSA) aad iyo si hoose ayay ulla socdeen dhaqdhaqaaqiisa, waliba waxay dhagaysan jireen Teleefoonkiisa.

Edward Snowden wuxuu u shaqayn jirey CIA, wuxuu kaloo u shaqaynayay NSA, sanadkii hore ayuu ka goostey Maraykanka, wuxuuna kashifey siro badan oo ay sameyn jireen Sirdoonka Maraykanka, tasoo Wadamo ay kamid yihiin Jarmalku ay aad uga caroodeen ka dib markii uu Edward Snowden sheegey in Hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ay Maraykanku dhagaystaan Teleefoonkeeda.
Hoos ka eeg meesh uu Madaxweyne cabdullaahi yusuf uga jirey Liiska
NSA/ Merkel/ Überwachung/ Grafik


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles