bishaan May 15 keeda ayaa lagu wadaa in Magaalada Garowe uu ka bilowdo wadahadal dhexmara Dowlada Federaalka iyo Dowlada Puntland, wadahadaladaas oo ay hogaamin doonaan Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Raysal wasaaraha Dowlada Federaalka Cabdiwali Sheikh Axmed.
Warar hordhac ah oo ay heleen Howlwadeenada Puntlandi ayaa sheegaya in Wadahadalka u bilaabanaya Villa Soomaaliya iyo Garowe ay yihiin kuwo lagusoo bandhigi doono laguna falanqayn doono qodobo dhowra oo ay kamid yihiin..
- Heshiisyadii horey u dhexmaray Puntland iyo Dowlada Federaalka
- Dastuurka Federaalka Soomaaliya oo waxlaga badalay iyadoon Puntland lagala tashan
- kaalmada dibada ee Soomaaliya hesho sida loo qaybsado
- Xiriirka Villa Soomaaliya iyo Puntland
- Dardar galinta Dhismaha Maamul Goboleedyada iyo kaalinta Dastuuriga ah
- Hawada Soomaaliya
- Kaalinta Puntland ay ku yeelanayso saamiyada Dowliga ah ee Dowlada Dhexe
Qodobadaan waa kuwo si hordhac ah ay u heleen Howlwadeenada Puntlandi, sida aan xogta ku helney si aysan u dhicin in wadahadalkaan iyo waxyaabaha kasoo baxa aysan noqon kuwo la mid ah heshiisyadii horey ay labada dhinac u wadagaleen oo noqdey kuwo lagu hungoobay, ayaa waxaa la qorsheynayaa in Xubno ka socda Beesha Caalamka ay goob joog ka ahaadaan Heshiiska, si loo xaqiiqsado ineysan qolana ka bixin waxyaabaha lawada saxiixo.
Raysal wasaaruhu wuxuu Garowe kusoo beegan yahay Arbacada 14 may 2014 , wadahadalkuna wuxuu bilaabanayaa maalin ka dib.
Puntlandi.com
Garowe