Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Madaxweynaha Dawlada Puntland oo Maanta Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madaxa Hay’ada Relief International(Sawiro)

$
0
0

AXAD 11/05/2014 WARBIXIN+SAWIRO: Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Abdiweli M. Ali Gaas Ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti balaadhan oo ka socday hay’ada caalamiga ah ee Relief International, weftigaas oo ay hogaaminaysay madaxa sare ee hay’adaasi haweenayda loo yaqaano Nancy E. Wilson.

Madaxa Hay’ada Relief International Nancy E. Wilson ayaa booqashadeeda ay ku timi Puntland waxaa ku weheliyeyku xigeenkeeda dhinaca mashaariicda iyo Agaasimaha goboleedka Soomaaliya iyo madax kale oo ka tirsan hay’adaasi.

kulankan uu maanta madaxweynaha Puntland uu la qaatay Relief International ayaa waxuu ku saabsanaa hitgelinta mashaariicada ay ka wado hay’adaasi gebi ahaanba Soomaaliya gaar ahaana Puntland.

Madaxweynaha dawlada Puntland Dr. Abdiweli iyo masuuliyiintii ka socotay Relief International waxyaabahii ugu waaweynaa ee ay ka wada hadleen maanta waxaa ka mid ahaa mashruuca waxbarashada gabdhaha.

Mashruucaas waxbarashada gabdhaha oo bartilmaameedkiisu yahay (9.300), sagaal kun iyo saddex boqol oo gabdhood oo reer Puntland ah ayaa Mdaxweynaha Dawlada Puntland waxaa uu sheegay in mashruucaasi uu yahay mashruuc aad u muhiima.

Kulankii maanta uu la yeeshay Madaxweyne Dr. Abdiweli Hay’ada Relief International ayaa waxaa la xidhiidha qorshaha dawlada Puntland ee dhanka tayanta waxbarshada iyo kobcinta aqoonta, waxaana uu madaxweynaha Puntland uu sheegay in Hay’adan iyo Wasaarada Waxbarashada Puntland ay muhiim tahay inay yeeshaan xidhiidh wada shaqaynayd oowanaagsan.

Dhinaca kale mashaariicdii ugu xusuusta badnaa ee hay’adani Relief International ay ka fulisay Puntland ayaa waxaa ka mid ahaa mashruucii ” Media Education” ee lagu banayey mihnada saxaafada, mashruucaasi oo dad badani wax ka barteen.
IMG_2767

IMG_2769

IMG_2770

IMG_2772

IMG_2773

IMG_2774

IMG_2775

IMG_2778

IMG_2779

IMG_2780

IMG_2781

IMG_2787

IMG_2789

IMG_2790

IMG_2791

IMG_2792

IMG_2793

IMG_2794

IMG_2795

IMG_2796

IMG_2797

IMG_2798

IMG_2799

IMG_2800

IMG_2801

IMG_2802


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles