Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Sawiro+Warbixin– Kooxda Kubada Koleyga Garowe City iyo ciyaarta Finaalka galabta

$
0
0

Waxaa lagaaray ciyaartii Finalka ee bariga iyo bartamaha africa (Inter city Game) ayadoo ay finalka isugu soo hareen labada kooxood ee ugu ciyaar fiicnaa Tartanka, waloow dalka Masar uu yahay dal aad ugu dheereya ciyaaraha Baskat boolka ayaa hadana dhalinta Soomaaliyeed ay noqdeen kuwo ka yaabiyay Qaarada Afrika oo soo jiitay indhaha caalamka, waxaa si weyn u hadal haya wargesyada dalka Tanzania.

Kooxaha aan kala dhicin ee Garowe Soomaaliya iyo Qaahira caasimada Masar ayaa galabtay fooda isku dari doona, ayadoo la saadaalinayo in guushu ay raacdo ciiyartooyada Soomaaliya ee soo reebay kooxo iyo dalal waa weyn oo nabdoon, dalalka haray waxaa ka mid ah Kenya, Ethiopia, Tanzania, Sudaan, Ugandha iyo kuwo kale badan.

Galbatay 17:00 local time ayeey bilaabaneysa ciyraata aadka u xiisaha badan ee koobka bariga iyo bartamaha Africa lagu kala qaadayo, waa Taariikhda markii ugu horeysay mudo ka badan 23-sano ciyaartoy Soomaaliyeed ay abid soo gaaran Heerkaan iyo wax u dhaw, waxeyba ku hari jireen wareega 1aad.

Ciyaartaan ayaa galbtay ka dhici doonta caasimada Tanzania ee Dar Er Salaam, waxaa si weyn magaalada usoo buuxiyay Taageerayaal Soomaaliyeed oo isaga kala yimid daafaha dalka Tanzania, ayadoo sidoo kale ay soo gaareen Daawadayaal Soomaaliyeed oo ka yimid dalalka Dariska la ah Tanzania, kuwaas usoo daawasho tagay in ay mar un arkaan calanka Soomaaliya iyo Ciyaartooy Soomaaliyeed oo wacadaro Taariikhi ah dhigaya, nasiib badanaa qof arkay shacuurta taala madasha Tartanka iyo ixtiraamka ciyaartooda Soomaaliyeed looga hayo dalka Tanzania, waxaa maanta ka muuqda Tanzania shacuur Soomaalinimo, waxaa la arakayaa Soomaali calankii wadata iyo gacamaha is wada heysta…..

Sawirada hoos ka daawo

Ugu danbeytii waxaa in la iswediiyo mudan, miyaa dalka Soomaaliya looga diyaar garoobay in soo dhaweyn qaran loo sameeyo Ciyaartooyada sharafta keenay magacana kor u bilay…..23-sano kadib? looma fadhiyo in misaan qiimahas leh u muuqdo…

Wixii faah faahin dheerad ah kala xirri 00255657589831 Abdirashid Hassan Hirse Baki.
SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles