Warar Rasmi ah Oo Puntlandi heleen ayaa cadeynaya in Xasan Daahir Aweys lagasoo Xigtey in isaga iyo Ciidankiisa la socda ay u gudbayaan Buuraha Galgala ee deegaanada Puntland halkaasoo uu sheegay in Ragiisa ay joogaan.
Wadahdaladii ka socdey Cadaado ayaa Xasan Daahir wuxuu diidey in Muqdisho la geeyo, wuxuu kaloo ku adkaystey mowqifkiisii Al-shbaab nimada oo markii hore loosoo jeediyey inuu cadeeyo inuu ka waantoobo, waa sida ay sheegeen rag ay isku heyb yihiin isaga.
Waxaa hada soo bxaya in Xasan Daahir uusan uso socon Magaalada Muqdisho iyadoo ay mowqifkiisa uu ku diidey Muqdisho ay sii xoojiyeen Reerka uu ka dhashey oo ogaadey in hadii Muqdisho la geeyo uu ugacan galayo Wadamo kale oo hada saf ugu jira madaxiisa inay gacanta ku dhigaan.
Dowlada Puntland illaa hada si rasmi ah ugama hadlin Xalada Xasan Sheikh.
Puntlandi.com