Iyadoo waayadaan dambe ay xukuumada Siilaanyo waday olole albaabada la isugu laabayo Saxaafadaha wax aysan jecleysan xukuumadu qora ayaa maanta seeftu haleeshey Wargayska Haatuf oo mucaaradnimo lagu eedeeyey.
Ciidanka Bileyska ayaa isku wareejiyey Goobta lagu daabaco wargryska oo Hargeysa ku taal waxayna banaanka u jafeen shaqaalihii.
Talaabadaan ay Xukuumadu qaadey ayaa lagu sheegey in ay Dowladu la wareegtey Wargeyska oo awal Dad gaara lahaayeen.
Wariye ka howlgala Wargeyska Haatuf oo codsadey in la qariyo magiciisa ayaa Howlwadeenka Puntlanfi khadka teleefoonka ugu waramey wuxuuna yiri “Talaabada ay Xukuumadu kula wareegtey wargeyska waa Kaligi talisnimo iyo abaabul lagasoo maloogey Madaxtooyada, waxay doonayaan inaan soo gudbino rabitaankooda oo qura, waa sharci daro waa arimo ku salaysan shaqsiyaad gaara oo awood isticmaalaya taasna Dowlad nimo ma aha”.
Laba bil ka hor ayaa sidaanoo kale albaabada la isugu laabey Xafiiskii Universal Tv Somaliland kasoo isna lagu eedeeyey Dacaayad ka dhan ah Madaxweynaha.
Puntlandi.com
Garowe