Gaalkacyo– 8 Apr.2014–Pi- Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ayaa saaka Garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yusuf Int. ee Magaalada Gaalkacyo uga qayb galaya sagootinta Meydka labadii sargaal ee Qaramada Midoobey ee Shalay (7 Apr.) lagu dilay isla garoonka Diyaaradaha.
Diyaarada qaadeysa Meydka oo si khaasa looga soo direy Nairobi ayaa saaka waabarigii soo caga dhigan lahayd Garoonka laakiin way soo daahdey waxaana la socda saraakiil ka tirsan Xafiiska UNSOM kuwasoo u imaanaya qaadista Meydka labada Nin.
Madaxweyne Gaas oo ay weheliyaan Wasiirka Arimaha Gudaha, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Waxbarashada, Xildhibaano iyo Masuuliyiinta Gobolka ayaa Garoonka saaka tagay si ay uga qaybqaataan qaadista labada meyd.
Madaxweynuhu wuxuu sheegey in Gudi heer Wasiir ah oovkhaasa loo saarey sababta keentey Dilka labada sargaal ee Qaramada Midoobey, wuxuuna Madaxweynuhu hoosta ka xariiqey in si hoose loo baarayo kiiska isla markaasna uu isagu la soconayo halka baaritaanku marayo.
Madaxweyne Gaas wuxuu tacsi u direy Qoyskii labada nin ka tageen iyo guud ahaan Shaqaalaha Qaramada Midoobey ee la shaqaynayay labada nin ee la diley.
Faahfaahin iyo sawirada goor dhow naga filo.
Puntlandi.com
Gaalkacyo