Xarfo–7 Apr. 2014–Pi– Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo shalay bilaabay safar uu ku marayo Gobolka Mudug iyo Nugaal ayaa saaka soo gaarey Degmada Xarfo halkasoo si diiran loogu soo dhaweeyey.
Madaxweynaha iyo Wafdiga la socda oo Xalay la seexdey reer Buurtinle ayaa saaka waabarigii cagta soo saarey wadada Gaalkacyo.
Masuuliyiinta Gobolka Mudug oo ay hogaaminayaan Gudoomiyaha Gobolka, Duqa degmada iyo Isimo ayaa iyana saaka waxay kasoo baxeen Gaalkacyo si ay Madaxweynaha uga hortagaan Bacaadweyn.
Saxaafada Gobolka ayaa iyana siwayn isugu diyaarisey soo dhawaynta Madaxweyne Gaas ee Gobolka Mudug.
Waxaa la filayaa inuu Madaxweynuhu Gaalkacyo soo galo duhurnimada maanta.
Puntlandi.com
Xarfo