Buurtinle-Axad 07, 04, 2014 Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed
Cali Gaas Iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ay ku jiraan golayaasha Dawladda iyo sarakiisha ciidanka Puntland ayaa maanta ka anba baxay caasimadda
Puntland ee Garoowe iyagoo kusii jeeda deegaano fara badan oo ka tirsan gobolada Nugaal iyo Mudug.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si weyn loogu so dhoweeyey degmooyinka kala-bayr,birta-dheer,xaadh-xaadh, tuulo Jalam iyo
burtinle, waxaana dhamaan dadweynaha degmooyinkaasi ay taagnaayeen hareeraha wadooyinka iyagoo ku dhawaaqayay erayo ay ka mid yihiin soo dhowaada,Soo Dhowoow
Madaxweyne.
Madaxweynaha ayaa ku hakaday deegaanka tuulo-Jalam, isagoo xog waraysi la yeeshay odayaasha,maamulka deegaanka iyo qaybaha kale ee bulshada
deegankaasi , waxayna madaxweynaha uga warameen baahida deegaanka iyo xaaladda guud sida ay tahay.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli oo la hadlay dadweynaha deegaanka Jalam ayaa uga mahad celiyay soo dhoweynta diiran ee ay
ussameeyeen isaga iyo wafdiga la socda, wuxuu sidoo kale u sheegay in Dawladda uu hogaminayo ay dabooli doonto baahiyaha deegaanka ka jira
intii ay awoodo.
Madaxweyne Gaas iyo wafdigii la socday waxaa ay sidoo kale u gudbeen degmada Burtinle oo ka tirsan Gobolka Nugaal halkaasi oo ay si weyn
ugu soo dhoweeyeen dadweynaha deegaankaasi, iyagoo taagnaa hareeraha wadooyinka magaalada, waxaana madaxweynuhu uu dhex lugeeyey bartamaha
magaalada Burtinle isagoo salaamayay dhamaan dadweynihii soo dhoweeyey.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa goob fagaare ah kala hadlay dadweynaha Burtinle, wuxuuna uga mahad naqay sida wanaagsan ee ay ugu soo dhoweeyeen deegaanka Burtinle isaga iyo wafdiga la socda, wuxuu kaloo u sheegay in ay wax qabad muuqda ka samayn doonaan horu marinta bulshada, isla markaana aysan waxba hakran
doonin.
Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-wei Max’ed Cali Gaas waxay ku sugnaan doonaan ilaa maalinta berri ah magaalada Burtinle isagoo kulamo kala duwan la qaadanaya odayaasha deegaanka, masuuliyiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Burtinle, kadibna madaxweynaha iyo wafdigiisu waxay usii gudbi doonaan magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.