Raysal Wasaarihii hore ee Dalka Norway Jens Stoltenberg ayaa loo wadaa inuu noqdo Xoghayaha Guud ee Ciidamada Nato, isagoo badali doona Raysal wasaarihii hore ee Denmark Anders Fog Rasmussen oo mudo afar sano ah hada xilka hayay, Warar la heley ayaa waxay sheegayaan in Shirwaynaha Wadamada Nato ay isugu imaanyaan Wales- UK bisha Septembar ay kusoo bandhigi doonaan Hogaamiyaha cusub ee Ciidamada Nato.
Ciidamada Nato oo ay ku bahaysan yihiin Wadamada Reer Galbeedka ayaa ka qaybqaata dagaalada iyo qaybinta kaalmada Bini aadanimo, Dagaalkii u dambeeyey ee ay galaan wuxuu ahaa kii lagu ridey Hogaamiyihii Dalka Libiya Muamar Qadaafi.
www.puntlandi.com.