Madaxweynaha Dowlada Kenya Uhuru Kenyata ayaa Xarunta Madaxtooyada ku casumey Xubnaha matala Jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalka Kenya, kulanka oo ay si wada jir ah usoo abaabuleen Gudiga Jaaliyada iyo Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Kenya ayaa waxaa kaloo goob joog ahaa William Ruto oo ah Madaxweyne Xigeenka Kenya.
Diirada waxaa la saarey sidi Jaaliyada Soomaaliyeed ula shaqayn lahayd laamaha amaanka iyadoo mudnaanta kowaad la saarey kawada shaqaynta Amaanka guud ee Xaafada, Madaxweyne Uhuru wuxuu JAaliyada faray iney ka diktoonaadaan kuwa nabad diidka ah ee kusoo gabanaya waxna u dhimaya amaankooda.
Ganacsatada, qaybaha Bulshada, xildhibaanada matala xaafada ayaa kulanka ka qayb galay waxayna ku tilmaameen bilow wanaagsan.