Xildhibaan Cabdirshiid Maxamed Xidig oo saxaafada la hadley maanta ayaa ka hadley arimo xasaasi ah, Xildhibaanka oo aad ugu dhuun daloola Xaalada Koonfurta Soomaaliya wuxuu sheegey iney been iyo iska dheh tahay hadii la yiraahdo maanta waxaa jira Ciidan Qaran, Xildhibaanku wuxuu tilmaamay in Hadalada ay saxaafada Muqdisho barteen ee ah “Ciidan Qaran” uu yahay shaar qabiil, wuxuuna yiri Xildhibaanku “MAanta ma jiro ciidan Qaran oo soomaaliya ka dhaxeeya”.
Dhinaca kale Xildhibaanku wuxuu ka hadley Ciidan ay Dowlada Federaalku usoo dirtey Kismaayo oo uu iyana ku tilmaamey kuwo beleed, aysana shacabka Jubaland marnaba aqbalayn.
↧
Daawo oo dhagayso Xildhibaan Cabdirshiid Xidig oo Dowlada Federaalka eed dusha uga tuurey, qireyna inuusan jirin wax la yiraahdo “Ciidanka Xooga Dalka”
↧