Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Muuqaal iyo Maqal: Qaran Jabka Soomaaliyeed

W/Q Faysal C. RoobleBaryahan dambe waxa soo kordhaya dhaqan xumo iyo bratakool la’aan looga bartay madaxda Soomaaliya marka aay la xaajoonayan dalalka kale ee ay diblomaasiyadda wadaagaan. Astaamaha aan hoos ku sharixi ayaa ka tarjumaya qaran jabka iyo is-quudhsi maskaxda ka galay madaxda dalka (Afrax, 2002).[i]  Hadii maskaxda iyo maan aad ka dulowdana waa lafjab xoogan.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Shir_Japan
Talooyinka aan ka bixindoono waxay ku qotomaan kuwo si fudud loo dawayn karo iyo kuwo hawlo culus oo kaliya ku dawoobi kara.  Hadafka aan qoraalkan ka leeyahay waa in aan dhalinta Soomaaliyeed la qaybsado qiimahaynu lahayn iyo qaran jabka inagu inala soo dersay.

Markii aynu Qiimaha Lahayn

Waxa taarikkhdu sheegaysaa in kacdoonkii wadaniga ahaa ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan (1885-1920) bilaabay uu lahaa sababo qoto dheer iyo kuwo kusoo boodda ah.  Mid kamid ah kuwa kusoo boodda waxa laga soo qaadan karaa markii uu Sayidku la kulmay agoono Diintii laga badalay oo Islaamkii laga saaray. Mar uu Berbera kasoo baxay kuna socday Buuhoodle, ayaa waxa uu sii maray xero agoonta loo sameeyey oo ku taalay Daymoole.  Markuu waraysi gaaban la yeeshay dhalintii goobta ku jiray, waxay u sheegeen in qareenkoodu yahay Baadariyiinta Masiixiga ah ee meesha ku haya (Catholic Missionaries).  Arintaasi waxay Sayid Maxamad ku noqotay niyad xumo iyo dulinimo aan la qaadan karin wuuna ka dhiidhiyay. Markii uu fursad helayna waakii isna Koofi ableey la-dhacay.[ii]

Astaamaha Soomaalida u gaarka ah waxaa ka mid ah isku kalsooni iyo ka dirir ay ka diriraan waxay dhibsadaan. Hawaynadii reer Kanada ee qarnigii 19 dhulka Soomalida martay ayaa qirtay in ay dadka Soomalidu ay yihiin dad qiimo leh, oo waliba luqad qani ah leh.  Waxa isna si waafi ah waxyaabo wanaagsan uga sheegay Sir Richard Burton oo Soomaalida aad u darsay (1885). Prudence Bushnell,  Maraykan ambasadoor xiligii Bushkii weynaa ( Bush Sr. 1996), ayaa yidhii Soomalidu guryo waaweyn malaha; sanco wax ku ool ah may samayn; waxayse leeyihiin laba astaamo: luqad qani ah iyo isku kalsooni waafi ah (pride) ayaa lagu yaqaan.  Waakii na Yamyam yidhii:[iii]

Soomaali baan ahay, Sinnaantaan la magac ahay Sanku-neefle ma oggoli Inuu iga sarrayn karo.

Sida dunida qaarkeed Sandulaynta ma oggoli Ninna kabaha uma sido,

Anna garasho sogordahan Sooryo ruux ugama dhigo,

Ninna madax-salaax iyo Kama yeelo seetada,

Sasabada ma qaayibo Sirta waxaan idhaahdaa Saab aan biyaha cellin

The English translation goes this way:

To whom my ways do not appeal; As he wishes I do not comply with Like some parts of the world; Coercion I do not accept; Nor do I carry any man’s shoes I am Somali

Neither man’s stroking of my head; Nor his lace on my legs [duplicity] do I accept Persuasion I do not approve, As for secrets [about me] I say; A Saab [vessel] that hold no water; I am Somali.

Halkan ka akhriso maqaalka oo dhan: Qhaqan jabka Soomaaliya

Faysal Cabdi Rooble Email: faisalroble19@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles