Maxamed Xaaji Cabdinuur oo ay walaalo isku hoyyo ah yiin xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aden, isla markaana ka soo jeeda Gobolka Bakool ayaa loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay ku bahoobeen sadexda Gobol ee Bakool, Bay iyo Shabeekaha Hoose.
Shir uga socodey Hotel Bakiin ee Magaalada Baydhabo ugu yaraan 731 Ergo oo ka kala yimid Goboladaan ayaa lagu doortey Madaxweynaha rasmiga ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Magaalada Baydhabo oo maalmihii la soo dhaafey ay ka jireen Banaan baxyo ayaa maanta amaankeedu aad u degan tahay, iyadoo Amaanka ay si wanaagsan u sugeen Ciidamada Itoobiya, kuwasoo xitaa sugayay amaanka Hotelka lagu qabtey shirka lagu doortey madaxweynaha.
Madaxweynaha cusub ee la doortay ayey isku beel hoose ka soo wada jeedaan Xildhibaan Sheekh Adan Madoobe
Sawirada hoos ka daawo
Ninkaan hoose waa Madaxweynaha la doortey