Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Madaxweyne Gaas oo Qardho Gilgiley (Warsaxaafadeed +Sawiro badan)

$
0
0

Warsaxaafadeed
Madaxtooyada Puntland
Garowe

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Cilmi Cismaan “Karaash” Wasiirka Ammaanka Xassan Cismaan Alloore, Siyaasi Cali Cabdi Awaare, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale ayaa  saaka ka anba baxay Caasimadda Puntland ee Garowe, iyagoo safar booqasho iyo kor meer ah ku aaday deegaano kale oo Puntland ka mid ah.

Madaxweynaha ayaa sii maray buundada deegaanka Sunna-jiif oo roobabkii dhowaan da’ay bur buriyeen, halkaasi oo uu kula kulmay shaqadii oo u socota sidii loogu tala galay, waxaana engineerada gacanta ku haya dhismaha buundada ay u sheegeen  Madaxweynaha inay waqti kooban ku dhamayn doonaan dib u dhiska buundaasi.

Ka dib Madaxweynaha ayaa safarkiisa sii watay, dhamaan  tuulooyinkii uu maray waxaa hareeraha wadada taagnaa dadweyne si diiran uga qeyb qaadanayay soo dhoweynta Madaxweynaha Puntland Dr Cabdi-weli iyagoo ruxayay caleemo qoyan kuna hadaaqayay Madaxweyne Soo Dhowoow.

Madaxweynuhu Wuxuu kusii hakaday deegaanka Yaka-Yaka oo aan wax badan u jirin degmada Qardho, iyadoo dadka deegaankaasina ay soo dhoweyn wanaagsan u sameeyeyen Madaxweyne Gaas iyo wafdigiisa.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabd-weli Max’ed Cali Gaas iyo wafdigiisa ayaa isla maanta  gaaray Magaalada Qardho ee Xarunta G/kar-kaar , waxaana dadweynaha magaaladaasi ay wafdiga madaxweynaha uga hor tageen duleedka Qardho halkaasi oo ay kusoo bandhigeen ciyaarta dhaantada oo ka mid ah dhaqanka Somalida, taasi oo ahayd mid ay ku muujinayeen sida ay ugu faraxsan yihiin booqashada uu Madaxweynuhu kusoo gaaray deegaaka Qardho.

Sidoo kale dhamaan dadweynaha qardho oo taagnaa hareeraha wadada ee bartamaha magaalada ayaa u muujiyay soo dhoweyn ka duwan  tii ay usameeyeen waqtiguu uu ahaa musharaxa Madaxweynaha doorashadii ka hor xiligaasi oo uu Qardho soo booqday.

Madaxweynaha Oo Bulshada Qardho la hadlay ayaa u sheegay inuu ku faraxsan yahay soo dhoweynta ay qiimaha leh e ay ku qaabileen wafdigiisa, wuxuu kaloo tilmaamay inuu fulin doono ballan qaadyadii uu sameeyey waqtigii uu musharaxa u ahaa hogaaminta Puntland, isla markaana degmada Qardho  ay heli doonto waxqabadka ay xukuumadiisu samayn doonto mudada ay xilka hayso.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ka gadaal waxa uu kormeero kala duwan ku tagay Hospitalka Qardho, Saldhiga Qaybta , Ceelasha Biyaha iyo Xabsiga weyn ee Qardho, isagoo warbixino ka dhagaystay dhamaan masuuliyiint goobaha uu booqday.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulan gaar ah la yeeshay Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka mid ah Issimada Puntland, iyagoo ka arrinsaday sidii looga shaqayn.

Madaxweynaha iyo wafdgigiisa ayaa la filayaa inay la kulmaan qaybaha kala duwan ee bulshada Qardho, iyagoo usii gudbi doona magaalo Ganacsiga Puntland ee Bosaso.

Sawirada hoos ka daawo
-DHAMAAD-

DSC00578

DSC00579

DSC00580

DSC00593[1]

DSC00594

DSC00595

DSC00596[1]

DSC00607

DSC00610

DSC00611

DSC00623

IMG_0030

IMG_0038[1]

IMG_0039

IMG_0074

IMG_0075

IMG_0078

IMG_0082

IMG_0083

IMG_0089

IMG_0090

IMG_0091

IMG_0097

IMG_0100

IMG_0105

IMG_0113

IMG_0114

IMG_0115

IMG_0138

IMG_0141

IMG_0158

IMG_0159

IMG_0160

IMG_0162

IMG_0163

IMG_0165

IMG_0171

IMG_0172

IMG_0178

IMG_0188

IMG_0193

IMG_0197

IMG_0199

IMG_0199[1]

IMG_0203

IMG_0235

IMG_0235[1]

IMG_0246

IMG_0248

IMG_0250[1]

IMG_0252[1]

IMG_0256

IMG_0256[1]

IMG_0262

IMG_0265

IMG_0266

IMG_0267

IMG_0273

IMG_0276

IMG_0278[2]

IMG_0296[2]

IMG_0298

IMG_0330[1]

IMG_0350[1]

IMG_0353[1]

IMG_0368[1]

IMG_0372

IMG_0379

IMG_0381

IMG_0383

IMG_0384

IMG_0400

IMG_0403

IMG_0404

IMG_0408

IMG_0415

IMG_0431

IMG_0450

IMG_0458

IMG_0459

IMG_0462

IMG_0465

IMG_0468

IMG_0479

IMG_0487

IMG_0489

IMG_0493

IMG_0495

IMG_0497

IMG_0509

IMG_0512

IMG_0519

IMG_0526

IMG_0209

DSC00621


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles