Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Ra’iisul Wasaare Cabdiwali oo sheegey in Soomaaliya dib-u-xoojinaysa qodobada aas-aasiga ah ee heshiiska Ururka Caalamiga ah ee Shaqada iyo kamid noqoshada barnaamijka hab-wanaaga shaqada.

$
0
0

War-saxaafadeed: 

21/03/2014 .. Raíisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa kala hadlay shirweynaha Ururka Caalamiga ah ee Shaqada (ILO) iyo Guddiga sare ee maamulka ururka sidii Soomaaliya loogala shaqayn lahaa barnaamijka hab-wanaaga shaqada iyadoo kadibna uu Raíisul Wasaaruhu saxiixay xoojinta qodobada aas-aasiga ah ee hesiiska Ururka Caalamiga ah ee Shaqada iyo kamid noqoshada barnaamijka hab-wanaaga shaqada.

Raíisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa saxiixay xoojinta qodobada aas-aasiga ah:

1- Xorriyadda Ururada Shaqaalaha iyo kulamada ay isugu yimaadaan.

2- Xuquuq-siinta qofka shaqaalaha ah.

3- La-dagaalanka caruurta lagu shaqeeyo ama la shaqaalaysiiyo.Qorshaha Soomaaliya ee kamid noqoshada barnaamijka hab-wanaaga shaqada waxaa ujeedadiisu ay tahay abuurista shaqooyin la isku halayn karo iyadoo diiradda la saarayo shaqo-abuurka dhalinyarada iyo ilaalinta xuquuqda aas-aasiga ah ee shaqaalaha.

Raíisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlayay shirweynaha guddiga sare ee maamulka ILO ayaa yiri:“Soomaaliya waxaa ay leedahay khayraad badan oo dabiici ah, waxaase jirta in aan la hormarinin ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, suuq-gayn la’aanta dhanka ganacsiga,  nidaamka waxbarasho, iyo awood-yari la xiriirta sidii looga faa’iidaysan lahaakhayraadkaasi.

In badan oo kamid ah dhalinyarada aan shaqayn waxaa ay halis ugu jiraan in ay kamid noqdaan amni-daradda iyo falalka danbiyada ee kooxaha argagixisada maadaama looga faaíidaysanayo tabar-daridaasi.”Ayuu yiri Raíisul wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlayay shirka.

“Waa in aan wax ka qabanaa dhibaatooyinka shaqo la’aaneed, kuwaasi oo qayb ka qaadanaya xasilooni la’aanta isla markaana fursad siinaya kooxaha Nabad-diidka. Waa in aan isbadal ku talaabsanaa oo aan u istaagnaa in dadku ay ka faaíidaystaan khayraadkooda, laga qayb galiyo siyaasadda, nabadda iyo dhismaha dawladnimada.

“Shaqo-abuurku waxaa ay door fiican ka ciyaaraysaa qorshaha xasilinta dalka, waana in aan u xaqiijinnaa shacabka in amnigu soo hagaagayo oo Nabad-diidka laga xoraynayo dalka.

Maalgalinta iyo shaqo-abuurku waa arin faaíido u leh Soomaaliya , waxaana ay xoojinaysaa amniga iyo daganaanshaha.

”Agaasimaha Guud ee ILO, Guy Ryder, ayaa ku martiqaaday Raíisul wasaaraha iyo wafdigiisa qado-sharaf iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dhinac .

Raíisul Wasaaraha ayaa dhanka kale waxaa uu uu magaalada geneve kulan kula qaatay wakiilada dawladaha daneeya arimaha Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Geneva iyadoo kulankaasina ay shir-gudoominaysay Wakiila UK ee Qaramada Midoobay (Geneve), waxaana Raíisul Wasaaruhu uu uga warbixiyay xaaladda dalka soomaaliya, howlgalada lagula dagaalamayo kooxaha Nabad-diidka. Wakiilada ka qaybgalay kulanka ayaa sheegay in ay taageerayaan dadaalada kala duwan ee looga qayb-qaadanayo xasilinta iyagoo dhanka kalana soo dhoweeyay dadaalka Xukuumadda uu hogaamiyo Raíisul wasaare cabdiweli Sheekh Axmed.

ENDS.

Faafin puntlandi.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles