TV-ga Universal ayaa barnaamijyo Shaaciro kartoon ah wuxuu inta badan ka sameeyaa hogaamiyayaasha Soomaalida, barnaamijyadaa mid ka mid ah ayaa waxaa ku jiray muqaal lagu wareysanyo Madaxweyneha maamulka Hargeisa ee Siilaanyo, taas oo keentay in maamulka Hargeisa uu aad uga caroodo muqaalkaas, isla markaana waxay Xayiraad kusoo rogeen Univetsal TV inuu ka howlgalo Deegaanada uu maamulkaasi ka arimiyo.
Waxaa taa xigtey in maanta ay kooxo careysan oo taageerayaal u ah Maamulka Siilaanyo ay harcad weeraraan Xafiiskii TV-ga ee Hargaysa iyagoo burbur laxaad leh u geystay xafiiska Tv-ga. Hayadaha amaanka ayaan wax talaabo ah ka qaadin kooxihii dambilayaasha ahaa ee la soo abaabulay, isla markaana weerarka ku qaaday saxaafada madaxbanaan ee Universal Tv