Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Madaxweynaha Puntland Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Saraakiil Ka Tirsan Hay’adda UNOPS Oo Mashaariic Horumrineed Ka Fulinaysa Puntland.(Sawiro+Warsaxaafadeed)

$
0
0

Talaado,Garowe,18

  • ,March 2014
  •   Madaxweynaha Puntland Dr Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garowe ku qaabilay saraakiil ka socday Hay’adda Mashaariicda u qaabilsan Qaramada midoobey (UNOPS) oo mashaariic horu marineed ka wada Puntland.

    Saraakiishan uu Madaxweyne Dr. Cabdiweli Gaas uu la kulmay oo u kala dhashay wadamo ka mida qaaradaha yurub iyo Africa ayaa kala ahaa Patrick Fruchet ,Saverio Bertolino,Trevor Swary, Dr. Renato, waxayna madaxweynaha kala hadlayeen sidii loo dar-dar galin lahaa mashaariic ay hay’addaasi hore uga wadeen iyo kuwo kale oo la sugayo fulintooda in hada la dhaqaajiyo.

    Dhanica Dowladda Puntland ayaa kulankaasi waxaa ka qayb galay Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Xasan Xaaji Siciid, Agaasimaha Wasaaradda Duulista Hawada Iyo Garoomada Amiin Xaaji Khayr, iyo saraakiil  ka tirsan xafiiska Madaxweynaha Puntland.

    Kulanka ayaa  intii uu socday waxaa si qotta dheer looga wada hdlay mashaariic hal door weyn u leh dawlada Puntland, kuwaasi oo qayb ka mid ah waqti hore la bilaabay hase yeeshee sugaya oo kaliya in la dhamaystiro, iyo mashruucyo kale oo dhowaan la bilaabi doono.

    Madaxweynaha Puntland Dr Cabdi-weli iyo masuuliyiinta ka socday hay’adda  UNOPS ayaa waxyaabihii ay isla qaateen waxaa ka mid ahaa

      

    1.     Dhamaystirka Howlaha Tv-ga Iyo Idaacadda Dowladda

    2.     Fulinta Mashruuca Dib U Dhiska Wadada Isku Xirta Caasimadda Garowe Iyo Garoonkeeda Diyaaradaha.

    3.     Dhismaha Hospitalka Degmda Eyl

    4.     Qoditaanka Ceel Biyood Uu Yeesho Hospitalka Garowe Iyo Fulinta Taageero Kale Oo Dhanka Caafimadka Oo Hospitalka Loo Sameeyo.

    5.     Dhamaystirka Mashruuca Dhismaha Airport-ka Bosaso Madaxweynaha Puntland Dr Cabdi-weli iyo masuuliyiinta ka socday hay’adda  UNOPS waxaa ay sidoo kale ay  isku afgarteen in mashaariicdan lagu dhameeyo mudo kooban, isla markaana ay dowladda Puntland si gaar ah ula socon doonto dhamaan mashaariicdan mudada ay fulayaan.

    Dhaqaalaha ku bixi doona mashaariicdaas ayaa Dowladdu sheegtay inay isha ku hayn doonto ,  isla markaana aysan jiri doonin cid si gaar ah u isticmaali karta dhaqaalahaasi, balse laga dhabaynayo in dhaqaalahasi uu ku koobnaado fulinta mashaariicdan oo wax tar u leh bulshada Puntland.

    Madaxweyne Dr. Cabdiweli waxa uu masuuliyiinta Hay’adda UNOPS u caddeeyey in Dowladda Iyo Shacabka Puntland ay diyaar u yihiin inay ka faa’idaystaan taageerada caalamiga ah ee beesha caalamka iyo hay’adah deeqaha bixiyaba siinayaan Puntlnd.

    Hay’adda UNOPS ayaa dhankeeda ballan qaaday hir galinta iyo dhamaystirka mashaariicda ay Madaxeynaha isku afgarteen kuwaasi oo lagu qaban doono mudo aan badnayn.

    Waxay sidoo kale Hay’addu sheegtay inay markasta garab taagan tahay Dowladda Puntland ayna kala qayb gali doonto sidii taageero looga siin lahaa arrimaha bulshada iyo wixii kale oo dheeraad ah. Xafiiska W/faafinta,Wacyi-gelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka Ee Madaxtooyada Puntland.

    Sawirada hoos ka daawo

    -DHAMAAD-
    9

    8

    7

    6

    5

    4

    IMG_6734

    IMG_6736

    1

    IMG_67391

    2

    3

    IMG_6729

    IMG_6728

    IMG_6719

    IMG_6716

    IMG_6715

    IMG_6712

    IMG_6698

    IMG_6704

    IMG_6706

    IMG_6707

    IMG_6710

    IMG_6711

    IMG_6692

    IMG_6683


    Viewing all articles
    Browse latest Browse all 3508

    Trending Articles