Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Xafalad lagu taageerayo isbedelka cusub ee Puntland oo ka dhacdey Dalka Jarmalka(Sawiro)

$
0
0

Bonn-DeutschlandWaxaa lagu qabtey magaaladda Bonn oo ahayd Caasimaddii hore ee dalka Jarmalka xaflad lagu taageerayo madaxda Dowladda cusub ee ka dhalatey Dowlad Goboleed Puntland ee Soomaaliyeed oo uu hogaaminayo Prof Cabdiweli Maxamed Cali-gaas ,madaxweyne ku-xigeenka Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Saciid Xassan Shire isla markaasna lagu sagootiyayo madaxdii hore ee Dowlada Puntland ee uu hogaaminayey madaxweyne Dr Cabdirahmaan Maxamed Faroole,madaxweyne ku-xigeenkii hore Gen. Cabdisamad Cali Shire iyo Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi.

Xafladan ayaa waxaa ka soo qayb galey Jaaliyadda Puntland ee ku nool dalkan Jarmalka,masuuliyiin ka socda jaaliyadda Puntland ee dalka Holand iyo Jaaliyadaha kale ee Soomaalida dalkan Jarmalka ku nool. Xafladan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Ururka ama Daladda Puntland Diaspora Forum in Germany kuwaas oo dareenkooda iyo wanaaga fiican oo ay u qabaan dhulkii hooyo halkaas ku muujiyey ku faraxey sidii fiicneyd ee uu isbedelka Puntland ku dhacey halkaasna taageero iyo hambalyana u direy madaxda cusub ee Dowladda Puntland madaxdii horena ku amaaney sidii ay howsha u soo hayeen iyo halka ay keeneen.

Xafaladan furitaankii ka dib waxaa si toos ah Telefoonka khudbad warbixin iyo dardaaranba xambaarsan ka jeediyey Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali-gaas kaas oo dadkii ka soo qayb galey uga warbixiyey qorshaha 5-ta sanno ee soo socota haddii Eebe idmo wuxuuna uga hadley isbedelka la doonayo oo dhinac walba leh sida Doorashooyin Xor ah, Khayraadka oo lala soo baxo, Waxbarashada oo kor loo qaado ,kaabayaasha Dhaqaalaha isbedel muuqda lagu sameeyo lana cobciyo iyo Amniga la isku haleyn karo oo kii hore kja sii wanaagsan, dhinaca kalena wuxuu kula dardaarmey Qurba joogta Puntalnd inay wadankoodii dhistaan dalka iyo dadkana wax u qabtaan isla markaasna ay ilmahooda wadankii hooyo baraan oo keenaa.

Intaas ka dib waxaa halkaas ka hadley madaxda Ururka PDF in Germany sida Dr Axmed Abu shacar, Cabdulqadir Malaay , Maxamed Cali-madhoodhe iyo Odayaasha jaaliyadda iyo marti sharaf kale. Xafladan ayaa waxaa kaalin mug leh ka qaadatey oo ay ku marti galiyeen Jaaliyaddu fanaanadda Qaranka Soomaaliyeed Maryan Mursal Ciise Bootaan ayadoo ku tilmaantey habeen Farxad iyo Qaali ku ah nolosheeda heeso iyo geeraaro Jaaliyadda iyo martidii kalena farxad gelisay ka qaadey, sidoo kale waxaa halkaas maaweeliyey dadweynihii ka soo qayb galey fanaan Nasteex Saciid Boqor iyo Hodan Cumar dhuule  iyo fanaaniin da´yarta soo baxay ka mid ah.

Guud ahaan waxay ku soo dhamaatey taageeradii iyo hambalyaddii loo sameeyey lagu soo dhaweynayey isbedelka cusub eek a dhacey Puntland jawi aad u sareeya.

Sawirada hoos ka aawo

Waxaa idiin soo gudbinaya

Puntland Diaspora Forum in Germany

Ahmed Abdi Ali ( Ahmed-Bahnhof)

Karlsruhe, Germany

NB: Maaweeladii xaflada oo muqaal Video ah dib Ayaan idinkaga soo direynaa. “Insha Allaah”

IMG-20140311-WA0008

DSCN2590

DSC_0251

DSC_0238

DSC_0228

1911965_688795497830341_349097021_n

1922079_688798511163373_582211461_n

20140308_205052

20140308_205303

20140309_011040

1560556_688796137830277_1215882495_n


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles