Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

War Deg Deg ah– Dhagayso Al Shabaab oo sheegtey Dilkii Taliyaha Ciidanka Puntland jiida Galgala

$
0
0

Puntland—17 maarso.2014–Pi– Weerarkii War-Deg-Deg-ah maanta lagu diley Alla ha u naxariistee Taliyihii Ciidanka Daraawiishta Puntland Jiida Galgala  Korneyl Jamac Saciid Warsame Afgaduud ayaa waxaa caawa sheegtey iney ka dambeeyeen Kooxda Al-shabaab.

Afhayeenka Al Shabaab Cali Dheere oo la hadley Warbaahinta Al Shabaab leeyihiin ayuu ku sheegey iney iyagu ka dambeeyeen weerarka oo uu sheegey inuu ahaa mid qorsheysnaa.

Illaa hada Dowlada Puntland kama aysan hadal weerarka lagu diley Alla naxariistii ha geeyee Korneyl Af-gaduud, iyadoo howlwadeenada Puntlandi ay dhowr jeer isku dayeen iney faahfaahin ka helaan Taliska ciidanka iyo Madaxtooyadaba balse labaduba way ka gaabsadeen iney Tafaasiil ka bixiyaan Weerarka maalinimada lagu khaarajiyey Taliye Ag-Gaduud.

Dhinaca kale weerarkaan wuxuu muujinayaa in Argagixisadu markay doonto iyo meeshey doonaan ay Puntland ka fulin karaan weerarkaan oo kale.

Hoos Ka Dhagayso Codka Afhayeenka Alshabab Cali Dheere

Puntlandi.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles