Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Cumar C.Rashiid iyo Prof Gaandi oo la kulmay madaxda iyo hay-adaha wadanka Finland(Sawiro)

$
0
0

Heksinki–15 maarso.2014–Pi– Subaxdii Jumcada oo ay taariikhdu ahayd 14.3.2014 ayaa Ra-iisal wasaare Cumar C.Rashiid iyo Prof Gaandi wafdi ay hogaaminayaan oo maalmahaan hawlo shaqo u joogey wadanka Finland waxay kulan balaaran la qaateen Baarlamaanka wadankan Finland iyo hay-adaha gar-gaara wadamada soo koraya ee wadanka Finland ka jira.

Kulaka oo aad muhim ugu ahaa siyaasiyiinta iyo ha-adaha wadankan Finland ayaa warbixin balaaran oo ku aadan xaaladda guud ee Soomaaliya hadda marayso iyo sida ay suurtogal u tahay in wadanakan Finland ku caawinkaro waxaa siiyey ra-iisal wasaare Cumar iyo wasiirkii hore ee gaashaandhigga prof Gaadi wafdigoodii. Wafdigu waxay mahad u celiyeen wadanka Finland oo marti geliyey, waxbarasho iyo baasaboorana siiyey kumanaan Soomaaliyeed oo wadanka degen, waxayna ugu baaqeen Soomaalida Finland inay ka faa-iideystaan aqoonta iyo wanaaga wadanka, dabadeedna ay dib ugu celiyaan wanaagaas wadankii ay ka yimaadeen, si wadanku uu uga baxo dhibka hadda uu ku jiro.

Madaxdu waxay sheegeen in wadanka Soomaaliya uu hadda marayo meeshii ugu fiicnayd, waxay sheegeen in ciidamada AMISOM ee aan walaalaha nahay ay hadda bilaabeen inay wadanka ka hirgeliyaan maamul goboleedyo, ayna ballantu tahay in 2016 la gaaro Soomaaliya oo leh dhammaan dawladihii fedelaaka oo dhamaystiran.

Madaxda waxaa su-aalo ku aadan Soomaaliya weydiiyey siyaasiyiintii iyo madaxdii ka socotey wadanka Finland, iyagoo ku amaanay ra-iisal wasaare Cumar iyo wasiirka gaashaan digga prof Gaandhi sidii wanaagsaneed ee ay shaqadooda u guteen intii ay madaxda ahaayeen.

Waxaa iyaguna goobta ka hadlay hay-ado iyo ganacsato reer Finland ah oo aad u danaynayey inay maalgashi ku sameeyaan Soomaaliya iyo inay dhisaan warshado kalluumaysi, waxna ka qabtaan beeraha iyo xoolahaba.

Gebogebadii shirka waxaa laysla qaatay inay lagama maarmaan tahay in Finland iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed ee wadankan ku nool iyagoo is kaashanaya ay ka qaybqaataan horumarinta iyo xirfad in la baro dhalinta Soomaaliyeed, si aan loo duufsan shaqal-aanta haysa awgeed.

Ugu danbayntii wafdiga iyo madaxdii Finlandba waxay mahad gaar ah u celiyeen labada jaaliyadood ee kala ah Jubbaland iyo Puntland oo ahaa kuwii suuta geliyey in wafdiga iyo dawladda Finland ay kulmaan, lahaana fikirkii ka danbeeyey in dawladda Finland ay casunto wafdiga.
IMG-20140315-WA0000

IMG-20140315-WA0001

IMG-20140315-WA0002

IMG-20140315-WA0003

IMG-20140315-WA0004

IMG-20140315-WA0005

IMG-20140315-WA0006

IMG-20140315-WA0007

IMG-20140315-WA0008

IMG-20140315-WA0009


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles