Warar aan hada ka heleyno Magaalada muqdisho ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay Agagaarka Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho, ka dib markii gaari walxaha qaraxa laga soo buuxiyay lagu qarxiyay nawaaxiga hotelka Maka Al-mukarama.
Xilliga Qaraxu uu dhacayay ayaa waxa Hotelka ku sugnaa Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya,waxaana qaraxa ka dib hal is qabsatay Rasaas ay rideen Ciidamada Dowlada Federaalka ee ku sugnaa goobta.
Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa Wasidaha Puntlandi u xaqiijiyay inay jiraan saddex qof oo ku dhaawacmay qaraxa,inkasta oo aan faahfaahin dheeri ah laga helin khasaraha guud ee qaraxa ka dhashay.
Ciidamada Dowlada Federaalka ayaa baaritaan ka sameeyay goobta uu qaraxu ka dhacay,mana jirto illaa oiyo hadda cid sheegatay inay ka dambaysay,hasa yeeshee qaraxyada ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxa horay u sheegtay ururka Al-Shababaa,oo dagaal xoogan kula jira Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Amisom.
Qaraxa ayaa imanaya xilli Villa Soomaaliya ay dhwoaan isbadal ku samaysay maamulka Gobolka Banaadir,inkasta oo arrintaasi aysan hakad galin qaraxyada ay martida u noqotay Muqdisho.
post@puntlandi.com.
Puntlandi.com.