Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

War deg Deg ah– Qarax goor dhaweyd lagu weeraray Suuq ku yaal Degmada Hiliwaa Magaalada Muqdisho

$
0
0

Labadii maalmood ee lasoo dhaafey waxaa muqdisho hirqiyey Qaraxyo lala beegsanayo Dadka Rayidka ah , Xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Hiliwaa ayaa goor dhaweyd Qarax lala eegtey suuq aad mushquul u ah, wali khasaaraha lama oga inta uu gaarsiisan yahay, lakiin Wariye Madaxbanaan oo Puntlandi la hadlay isla markaasna ku sugan goobta Qaruxu ka dhacay wuxuu noosheegey in dhawac iyo dhimasho jirto, wuxuu kaloo Wariyhu sheegey in loo badinayo inuu qaruxu ahaa nooca gacanta lagasoo tuuro.

Maalmahaan Magaalada Muqdisho Waxaa caadi ka noqdey Qaraxyada noocaan ah ee lagu weerarayo dadka Rayidka ah, iyadoo Dadweynuhu isweydiinayaan Qaraxyada noocaan ah, kuwasoo aan lahayn astaantii lagu yaqiiney Al-shabaab.

Puntlandi.com
Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles