Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Deeqdii Dowlada Federalka ee Duufanadii Puntland ma dacaayad bay ahayd?.‏ W/Q Ismaaciil A. Diiriye

$
0
0

Bilowgii bishii 11-aad ee sanadkii hore duufaanadii ku dhuftay Puntland, waxa ku nafwaayey boqolaal qof waxana ku ceeroobey qoysasbadan.

Dawladii DR Faroole uu hogaaminayey waxqabad la mahdiyey lana taaban karo ayay ka gaysteen maaraynta musiibooyinkaas, iyadoo uu madaxweyne DR Gaas arinkaasi amaan badan ugu soo jeediyey madaxweynihii hore.

Waxaa iyadana talaabo aad loola dhacay ahayd doorkii ay ka qaateen muqdisho oo uu hogaaminayey maamulkii Mudane Tarsan madaxda ka ahaa, iyagoo la gaaray taakuleyn waxii tabartood ah weliba goor loo baahnaa.ismaaciil

Madaxda dawlada federalka oo xiligaas ku jiray isqabqabsi siyaasadeed, ayaa jeediyey khudbooyin shucuur wadaniyad huwanaa, iyagoo ku hadaaqayey hadalo ay ka mid ahaayeen “ma dayici doono dadkeena” isla markaana balan qaaday inay u diri doonaan deeganadaasi aduun dhan hal million oo dollar, oo aan ahayn mid dabooli karta dhibaatadii dhacday laakiin ugu yaraan wax uun ka gaysan lahayd, dabcan lacagahan waxaa laga bixin lahaa khasnada dawlada dhexe, oo ay soo galaan deeqo lagu soo qaado magaca Soomaalida, in kastoo la is waydiin doono tolow khasnadan wax waa dhacaan masse ku hakadaan?.

Mudane Salad oo kamid ah Gudiga Dhaqaalaha u aruuriya dadka Puntland duufaanta ku habsatay, ayaa cadeeyey inaan ilaa iyo xiligan la helin lacagtii ay balanqaadeen madaxda federalka.

Waxgarad badan oo Soomaaliyeed ayaa is waydiinayo halkeey martay lacagtaasi, iyo dabcan lacagihii kale ee caalamka ay ka dalbatay dawlada federalka, oo uu caalamku soo marinayo dawlada federalka iyadoo uu caalamku ku bixinayo lacagahaasi magaca dadka duufaanta ku habsatay?.

Suaalaha adag ee dhalan kara waxa ka mid ah madaxda federalka khudbooyinkoodii loo riyaaqay ma ahaayeen kuwa ay ka ahayd, misse waa jiliyaal xirfadoodu aad u sarayso, shucuurta ka muuqatayna ma lagu tilmaami karaa ilmada yaxaaska?

Waxa kale ee suuragal ah in la is dhaho “baroorta orgiga ka wayn” qayladhaanta madaxda ee loo isticmaalayey saxaafada dheeraysa ee durbadiiba gaarsiisay aduunka dalacadiisa waxay ahayd mid ay ku raadinayeen dhaqaale, ay iskaga jeedinayaan indhaha mudanayaasha baarlamanka ee soo eegayay, dad badan baa xildhibaanada u arka kuwa ku diirsada isqabqabsiga madaxda una arka fursad ay ku daynbixi karaan.

Xildhibaanada waxa deegaan u ah intooda badan hoteelo ay leeyihiin mulkiilayaan aad u hubaysan, waxana ku riixaya deegaanadaas duruufta amniga ee Muqdisho, waxay ku noolyihiin dayn dayn ku gud sababtuna waa iyadoo aad moodo in la iskuba jaangooyey mushaarkooda iyo kirada ay baxshaan.

Waxaa xusid mudan in ay jiraan xildhibaano awoodooda dhaqaale ay u saamaxday inay samaystaan ilaalo gaar ah, sidoo kale waxa jira kuwa ay u saamaxeen duruufaha unkamay dagaalada sokeeyey ka bacdi, inay ka soo kalahaan guryahooda ama kuwa ay masuul uga yihiin dad Xamar uga hayaamay colaada sokeeye ee keentay qofka inuu noqdo halka uu u dhashay ee uusan ahayn halka uu ku dhashay.

Lalama yaabi karo hadii dadka qaar is dhahaan lacagihii soo maray wadada federalka ma waxay shidaal u noqdeen codbixintii baarlamanka?,

Madaama ururada Islaamiga lagu yaqaano inay isu arkaan kuwa umada ka qaangaarsan, kana yaqaanaan maslaxadooda, ma dhici kartaa in dadka qaar u maleeyaan, in Damujadiid u arkeen in danta qaranka ku jirto in lacagaha lagu helay magaca duufaanta loo isticmaalo codbixinta sii sagootinaysay raiisul wasaare Saacid.

Hadii arinku sidaa yahay waxaa cad damujadiid yeeysanba gaarsiin deeqdaasi halkii loogu tala galay waase hubaal in ay gaareen hadafkii aha in Saacid meesha ka baxo.

Suaalahan inta badan waxaa laga filan karaa dad xog ogaal ah xasuusanna had iyo jeer in masuuliyiinta dawlada federalka ay u badanyihiin kuwo ka soo jeeda waxa loo yaqaano bulshada rayidka (NGO’s).

Bulshada Rayidka waxa loo yaqaanaa hayadaha aan xukuumiga ahayn ama aysan dawlada lahayn, waana kuwa aduunka intiisa badan bulshada u haya howla aad loo mahdiyo ayna ka mid yihiin wax ka qabashada arimaha bulshada sida waxbarashada iyo caacifmaadka.

Burburkii ka bacdi waxa Soomaaliya ka curtay ururo (NGO’s) ay hogaamiyaan gafanayaal dhiigmiirata ah kana ganacsayey mudadaas aafooyinka umada iyadoo aad moodaba in qof baabi’iis qof ku barwaaqoobo.

Ugu danbayn dawlada Federalka ka faaiidaysigii ay ka faaiidaysteen dufuuraha dhibanayaasha duufaantu ku habsatay, iyo dacaayadan ay ku khaldeen rayul-caamka ma intaas ayeey kaga ekaan doontaa misse kuwa kalaa u daiyaar ah?.

Ismail Adam Dirie.

ismailadamdirie@gmail.com

https://www.facebook.com/ismail.dirie.3

 Faahin Puntlandi.com.

,

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles