Garowe–10 Maarso.2014–Pi– Warar xog ogaal ah oo aan ka helney Muqdisho ayaa sheegaya in dhowaan isku shaandheyn hor leh lagu sameynayo Safiirada iyo qunsul yaasha Soomaaliyeed ee Caalamka, iyadoo isku shaandheyntaas ay farta ku fiiqeyso goobo gaara, sida aan Warka ku helney dhamaan Safiirada iyo qunsulada ka soo jeeda Puntland waa laga xayuubinayaa jagada ay hayaan.
Dublamaasi ka gaabsadey inuu magaciisa shaaciyo ayaa si toosa howlwadeenada Puntlandi ugu sheegey in Arintaan ay ka dambeeyaan Villa Soomaaliya, wuxuuna Dublamaasigu sheegey in hada la bartilmaamadeysanayo Shaqsiyaadka ka soo jeeda Puntland.
Talaabadaan Waxay qaybweyn ka noqoneysaa Boobka ka socda Muqdisho oo awal ku ekaa Hantidii shacabka, hadana loo soo jeestey Hantidii iyo Jagooyinkiika dhexeeyey Soomaaliweyn, iyadoo shaqsiyaad gaara ay abaabul xoogan ugu jiraan Qabiileynta Qaranka Soomaaliyeed.
Beesha Caalamka oo aad ugu dhuun daloosha Siyaasada iyo habdhaqanka Soomaaliya waxaa lagama maarmaan ku noqonaysa iyagoon iska indha tireyn Siyaasada Puntland iney aqbalaan in Puntland ay safiiradeeda u dirsadaan wadamada Caalamka ee Xiriirku kala dhexeeyo, si ay u matalaan shacabka Puntland iyo Waliba guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Puntlandi.com
post@puntlandi.com