Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Madaxweynaha Puntland oo ka qayb galay Xaflad loo dhigay arday ka qalin-jebisay PSU Garowe(Sawiro)

$
0
0

WAR-SAXAAFADEED

Axad 09 March, Garowe:-  Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ka qaybgalay xaflad qalin-jebineed oo loogu qabtay Jaamacadda PSU 119 arday oo ka baxay kuliyaddaha kala duwan.

Wasiirka Waxbarashada Mudane Cali Xaaji Warsame, Gudoomiyaha PSU Dr. Maxamuud Shiikh Xaamud, masuuliyiinta dowladda, wakiilo ka socday Hay’ addaha, waalidiin, aqoonyahano iyo ardeyda Jaamacadda ayaa ka soo qaybgalay munaasibadda.

Madaxweynaha Puntland ayaa bilawgii hadalkiisa hanbalyo u diray dhamaan ardeyda ka qalin-jebisay Jaamacadda oo uu sheegay inuu kala qayb qaadanayo farxadooda iyo guusha ay gaareen.

Waxa uu ka sheekeeyay Dr. Cabdiweli Gaas Taariikhdiisi Jaamacadda PSU Garowe oo uu bare ka ahaa 2008, isagoo mahad gaar ah u ceshay maamulka Jaamacadda oo u dhabar adeegay caqabado la soo gudboonaaday.

Waalidiinta dusha saartay inay waxbaraan ubadkooda ilaa heer jaamacadeed iyadoo la eegayo duruufaha dhaqaale ee dalka ka jira ayuu ku tilmaamay madaxweynaha Puntland arin u baahan in lagu bogaadiyo, isagoona balanqaaday ardayda dalka gudihiisa wax ku bartay inay mudnaanta kowaad yeelan doonaan.
Madaxweynuhu waxa uu shaaca ka qaaday inay xukuumaddu kordhin doonto Miisaaniyadda waxbarashada, waxana Ganacsatada uu ugu baaqay bixinta canshuuraadka si ardayda reer Puntland u helaan waxbarasho lacag la’aan ah.

Sawirada hoos ka daawo

Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Puntland
IMG_0594IMG_0540

IMG_0549

IMG_0550

IMG_0554

IMG_0556

IMG_0558

IMG_0560

IMG_0575

IMG_0577

IMG_0579

IMG_0580

IMG_0586

IMG_0588

IMG_0594

IMG_0597

IMG_0614

IMG_0622

IMG_0623

IMG_0625

IMG_0627

IMG_0631

IMG_0639

IMG_0657

IMG_0658

IMG_0659

IMG_0662

IMG_0669

IMG_0670

IMG_0671

IMG_0673

IMG_0674

IMG_0675

IMG_0683

IMG_0686

IMG_0688

IMG_0690


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles