Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Madaxweynaha Puntland oo furay shirka Qorshe-Hawleedka Xukuumadda(Sawiro+Warsaxaafadeed)

$
0
0

WAR-SAXAAFADEED

Jimce 07 March, Garowe:-  Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka ku furay xarunta Jaamacadda PSU Garowe shirka Qorshe-Hawleedka Xukuumadda shanta sanno ee soo socota.

Madaxweyne ku xigeenka Mudane Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar ayaa ka soo qaybgalay iyo wasiiradda xukuumadda Puntland.

Kulankan ayaa ah mid looga arinsanayo sidii loo midayn lahaa dadaaladda, waxana labada maalin ee uu socdo lagu doonayaa in la dhaqan qeliyo qodobadda ka soo baxa oo in badan oo ka mida madaxweyne Cabdiweli Gaas balanqaaday xiligii doorashada.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay shirkan ujeedkiisu inuu yahay mid ku saleysan Hiigsiga Xukuumadda uu hogaaminayo, waxana uu u kala saaray shan qodob oo kala ah:

1-Xoojinta Nabadgelyadda iyo dib u dhiska xarumaha Amaanka.

2-Dib u heshiisiinta, Cadaaladda iyo Dimoqraadiyadda.

3-Ganacsiga, Dhaqaalaha, dhiirigelinta Maalgeshiga & horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha.

4-Horumarinta Arrimaha Bulshadda (Caafimaadka & Waxbarashadda).

5-Maamul Wanaaga (La xisaabtanka & la dagaalanka Musuq-maasuqa).

Shaqo u abuurista Dhalinyaradda ayuu ku dheeraaday Madaxweynuhu, isagoo xusay in Turkigu gacan ka siin doono dhismaha xarunta Farsamadda Gacanta, waxana uu raacshay inay jiri donaan barnaamijyo dhalinta looga jeedinayo falalka amni darro(Xagjirnimo, burcad badeed & Tahriib)

Xukuumadda ayuu kula dardaarmay inay u shaqeeyaan si hufan oo daacadnimo ku jirto sidii ay dhaarta ugu mareena uga soo baxaan shaqadda loo igmaday si loo gaaro Mustaqabalka Iftiimaya ee Puntland higsanayso.

Shirkan ayaa la soo xiri doonaa maalinka beri ah, waxana ka sokow xukuumadda xubnaheedda talooyin ku biirinaya khuburo ku xeel dheer siyaasadda, garsoorka, dhaqaalaha iyo maamulka.

Sawirada hoos ka daawo

Xafiiska Warfaafinta

Madaxtooyada Puntland
IMG_0329

IMG_0335

IMG_0336

IMG_0340

IMG_0341

IMG_0344

IMG_0350

IMG_0353

IMG_0355

IMG_0359

IMG_0361

IMG_0363

IMG_0369

IMG_0374

IMG_0375

IMG_0385

IMG_0391

IMG_0397

IMG_0405


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles