Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo maanta Arbaco 5 Mars.2014 Waraysi siiyey Hay’ada wararka Reuters ayaa sheegey inuu ka walwalsan yahay in Kooxda xagjirka Al-shabaab ay gabaad kasoo dhigtaan Puntland isla markaasna firxadkoodu kusoo dhuuntaan Puntland.
Madaxweyne Gaas wuxuu Wadamada Afrika ee ku bahoobey AMISOM ugu baaqay iney Ciidan keenaan Xuduuda Puntland la leedahay Gobolada Dhexe si halkaas aysan Al-Shabaab usoo dhaafin.
Madaxweynuhu wuxuu kaloo soo hadal qaadey Buuraha Galgala oo uu sheegey iney horey u joogeen Al-Shabaab laakiin dhinacaas Madaxweynuhu wax walwal ah kama muujin.
HALKAAN KA AKHRISO LINKSKA WAREYSIGA
Puntlandi.com