Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Oday Xaad “Reer Baydhabo way riyoonayaan”

$
0
0

Mid kamid ah Odoyaasha dhaqanka Beelaha Hawiye isla markaasna ah kan ugu afka dheer ayaa si cad u dhaleeceeyey Howlaha kaXaad socoda Baydhabo ee Maamulka loogu sameynayo deegaankaas, Maxamed Xasan Xaad oo ka hadlayay shir ay Beesha Hawiye ka yeesheen sheegashada Gobolka Shabeelaha hoose ayay ku sheegeen inaan la aqbali karin in Reer Baydhabo ay maamulaan Gobolka.

Afhayeenka Beeelaha Hawiye Xaad oo arinta ka hadlayay wuxuu sheegey in Raar Baydhabo ay riyoonayaan markay sheegtaan gobolka Shabeelaha hoose, #Gobolka Agaa iska leh taladiisana anagaa wax laga waydiinayaa” ayuuu yiri Oaday Xaad.

Xaad wuxuu kaloo sheegey in Baydhabo laga rabo iney u tashadaan labada gobol ee Bay iyo Bakool, wax intaas ka badan aqbali mayno ayuu yiri, isagoo isla markaasna baaq u direy Dowlada Federaalka ah oo uu ugu baqay inay faraha la galaan Arimaha ka socda Baydhabo.

Baydhabo waxaa ka socda laba shir oo isku ajande ah, in maamul Goboleed loo sameeyo Deegaanka, mid kamid ah shirarka waxaa lagu sameynayaa Maamul Goboleed ka kooban 6 Gobol, shirka kale waxaa lagu sameynayaa Maamul Goboleed ka kooban 3 Gobol.

Puntlandi.com
Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles