Madaxweynaha Dawlada Puntland iyo wafti uu hogaaminayo oo maal Mahan Booqosho Rasmi ah ku joogay Ethiopia ayaa maanta Qado sharaf waxaa ugu sameeyay magaalada Addis Ababa Ganacsade Abdullahi Abdulqadir oo Ka mid ah ganacsatada Africa ugu waa weyn miisaan weyna ku leh Qado sharafta ayaa waxaa Ka soo qayb galay Wasiirk Shaqada iyo dhaqaalaha Ethiopia Mr. Abdifatah yare xildhibaan guufaa garane siyaasiin REER PUNTLAND Iyo Somalida Ethiopia qadasharafta ayaa looga shekaystay sidii ay ganacsatada dawlada Deegaanka somalida Ethiopia iyo puntland ay isku dhaaf sanlahaayeen Ganacsiga iyo wada shaqaynta deris wanaaga iyo Amniga Inay maal-gashi Ku samaystaan Deegaanada Puntland si ay puntland iyo Ethiopia u sii xoojin lahayeen xiriir Kooda soo jireenka ah ee ay wadaagaan Dawlada Deeganka somalida Ethiopia iyo puntland AMA guud ahaa Ethiopia.
Qadasharaftaas kadib ayaa madaxweynaha puntland iyo wafdigiisu kulan xog waraysi ah la yesheen ardayda reer puntland ee wax kabarta jamacadaha kala Duwan ee dalka Ethiopia ardayda ayaa halkaa madaxweynaha Uga waramay xaladooda wax barashado madaxweynaha ayaa ardayda u jeediyay khudbad Aad usoo jiidatay quluubta ardayda iyagoo ardayda qaarkood su’aalo wax ku ool ah waydiiyay madaxwaynaha wuxuu si wafi ah ugu jawaabay madaxweynaha oo soo hadal qaaday khayraadka Degaana Puntland Tusaale ayuu u soo qaaday Beeraha galgala oo uu sheegay in nin Reer galgala ahi uu Ii sheegay in uu hoyadii Mudo laba jeer ah Ka soo xajisiiyay Beeraha halkaas ku yaal markaa ha tahriibinina wax soo barta dalkana ku soo laabta oo Ka faa’idaysta wax soo saarka khayraadka dalka ugana faa’idaya dadkiina iyo dalkiina kulan kaas ayaa ku soo dhamaaday jawi wanaaga iyo farxad.