Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

War Deg Deg ah– Midowga Yurub oo markey heleen Warbixintii Qaramada Midoobey shaki wayn ka muujiyey Madaxda Dowlada Federaalka ah,Puntland na gaar ugu casumay shirka Beljam

$
0
0

Maanta Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sheikh MAxamed Faroole  markuu la kulmay Wafdigii EU wuxuu sheegey in Puntland ay magacooda uga qaybgalayaan shirka New Deal ee   Belgium ka dhici doona, wafdigaan  EU shalay Waxay Xalane kula kulmeen Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Warar Dublamaasiyadeed oo Puntlandi heleen ayaa hoosta ka xariiqaya in Midowga Yurub uu si toosa ugu sheegey Xasan Sheikh in Puntland ay Wafdi u gaara usoo dirsanayaan Shirka New DEal go’aankaasna waxaa gaaray Midowga Yurub.

Dhinaca kale Wararka aan helney waxay sheegayaan in Midowga Yurub uu niyad jab ka muujiyey Madaxda Dowlada federaalka ah ka dib markii ay soo baxday Warbixintii Kooxda Dabagalka Cunaqabataynta Soomaaliya Saaran ee Qaramada Midoobey, warbxintu waxay dharbaaxo xun ku noqotay Madaxweyne Xasan Sheikh.

 

Sida aan xogta ku heyno Wafdiga Midowga Yurub waxay Madaxweyne Xasan Sheikh u sheegeen in shirka  Belgium ay imaanayaan oo qura Dowlada Federaalka oo dhinac ah, Somaliland iyo Puntland,

 

Puntlandi.com

Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles