Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Xagee Marayaan Wada hadaladii Dowlada Federaalka iyo Dowlada Jubaland

$
0
0

Nairobi– 25 luuliyo, 2013– Pi– Maalmahaan waxay saxaafadaha qaarkood baahinayeen warar sheegaya in Wadahadal iyo kulamo u dhexeeya Dowlada Federaalka iyo Jubaland ay ka dhaceen Nairobi iyo Muqdisho amaba ay jireen xiriir labada dhinac sameeyeen Laakiin Howlwadeenada Puntlandi ee aadka ugu dhuun daloolala wararka Jubaland waxay xaqiijinayaan in Wararkaas Gabi ahaan been abuur yihiin, mana jiro Cilaaqaad hoose iyo mid muuqda oo labada dhinac dhex marey aan ka ahayn wadahadalkii Adis ababa ee dabayaaqadii bishii Juun sanadkaan ku dhex maray Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Wasiirka Madaxtooyada Dowlada Federaalka Farax Cabdulqaadir, wadahadalkaas Adis ababa ayaa u dambeeyey xiriir dhex mara labada dhinac.

Sida aan warar lagu kalsoon yahay ku helney Wadahadaladu waxay mar kale ka furmayaan Adis ababa bilowga bisha Ogoosto sanadkaan.

Waxaa hada lahu mashquulsan yahay ugudbida wajiga labaad ee dhismaha jubaland kasoo Sadex qaybood oo muhiim ah loo qaybiya, kan kowaad waa amaanka iyo xoreynta dhulka Jubaland,Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Dublamaasiyiinta Jubaland ee Nairobi fadhiyaa waxay Cadaadis saareen Wadamada Dariska si horey loogusii wado dardargalinta la dagaalanka Al-shaabaab iyo sidii looga saari lahaa dhamaan deegaanada Jubaland.
Wajiga labaad ayaa ah Dib u dhiska iyo Gargaarka Shacabka Jubaland taasoo iyana abaabulo xoogan ay ka socdaan Nairobi, waxaana la isla meel dhigey in kaalmo deg deg ah lala gaaro Gobolka Gedo oo meelo badan ay ka jiraan baahi baahsan.

Wajiga Sadexaad ayaa ah Sii wadista Dib u heshiisiinta iyo soo dhisida Dowlada Jubaland.

Madaxweynaha Jubaland iyo wafdigiisii balaarnaa waxay wali joogaan Nairobi waxayna maalmaha soo socda dib ugu laabanayaan Kismaayo.

puntlandi.com
Nairobi


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles