Jigjiga–26 Feb.2014–Pi– Madaxweynaha Dowlada Puntland oo si heer sare ah loogusoo dhaweeyey Magaalada Jigjiga ayaa wali ku guda jira booqasho rasmi ah oo uu ku joogo Itoobiya, Madaxweynaha Dowlada Deegaanka Soomaalida Itiyoobiya Cabdi Maxamed Cumar ayaa si diiran usoo dhaweeyey Mudane Gaas iyo Wafdigiisa iyadoo ilaa shalay ay Mas’uuliyiinta Puntland iyo DDSI ay booqanayeen Ilaha dhaqaalaha Dowlda Deeganka Soomaalida Itoobiya.
Madaxweyne Gaas wuxuu Booqdey oo kale Goobaha Waxbarashada Deegaanka halkaasoo uu kula kulmey Ardeyda Soomaaliyeed ee waxka barta Deegaanka Dowlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya
Madaxweyne Gaas wuxuu Beri oo khamiis ah kusoo laabanayaa Adis ababa halkaasoo uu ugasii gudbi doono,magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti sida uu Saxaafada gudaha uu u sheegay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Puntland Cabdiweli Indha-guran.
Wixii kaso kordha safarka Madaxweynaha Puntland iyo Wafdigiisa Wararkayaga dabme ayaan idin kuso gudbin doonaa hadduu EEBE idmo.
Sawiro badan hoos ka daawo;-