Mid kamid ah eedeysanayaashii xalay weeraray Dad rayid ah oo ku shaaheynaya xaafada Garsoor ayaa hada soo galay Gacanta Puntland kasoo ay la wareegeen Ciidanka PIS, Ninkaan ayaa ahaa ninkii ku dhawacmey weerarka halka sadexdii kale ee la socdey af fakadeen.
Wadahadalk dheer ka dib waxaa Puntland usuura gashey in ninkaan lasoo gacan galiyo, wuxuuna Deegaan ahaan kasoo jeedaa MAgaalada ceelbuur, mana ahan nin u dhashey Deegaanka Koonfurta Gaalkacyo, waxaana Ciidanka Sirdoonka Puntland durba bilaabeen baaritaan iyo dabagal.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yusuf jaamac Tigey oo saxaafada la hadley ayaa sheegey in loo baahan yahay in labada dhinac ay had iyo jeer iska kaashadaan la dagaalanka Argagixisada iyo Dadka aan deegaanka u dhalay ee amaanka Carqalada ku ah.
Hoos ka dhagayso Masuuliyiinta Gobolka
Puntlandi