Madaxweynaha Dowlada Puntland Prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo VOA lanta Soomaaligu waraysi laImage may be NSFW.
Clik here to view. yeelatay isagoo maanta ku sugan Magaalada Jigjiga, Madaxweynaha ayaa ka Warbixiyey safarkiisa Itoobiya.
Madaxweyne Gaas wuxuu sheegey in safarkiisu uu ku saabsanaa Xiriirka Itoobiya iyo Puntland, mar wax laga waydiiyey Xiriirka Federaalka iyo Puntland wuxuu yiri Madaxweynuhu oo sheegey in ay lagama maarmaa tahay in lababada dhinac ay wada hadlaan, isla markaasna loo bahan yahay in la ixtiraamo kaalinta Puntland.
Mar wax laga waydiiyey in kulankii uu la yeeshey Masuuliyiinta Itoobiya ay ka wada hadleen Arimaha Gobolk Sool wuxuu yiri Madaxweynuhu “maya cidna kama aanaan wada hadal arimahaas”.
Madaxweynaha oo Wax laga waydiiyey Gobolka Sool wuxu yiri “Walaal Dastuurka aan ku dhaartey Gobolkaas wuxuu ka mid yahay Puntland, lakiin waan soo dhoweynayaa haddii shacabka Gobolku ay aayahooda ka tashadaan”.