Madaxweynaha Dowlada Puntland Prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo wali ku guda jira Safarkiisa Adis ababa ayaa wuxuu saaka Hotelkiisa ku qaabiley safiirada Beesha Caalamka ee Adis ababa, kulamadfa safiirada iyo Madaxweynaha Puntland ayaa ku saabsanaa Xaalada Soomaaliya iyo Xiriirka Puntland iyo Dowladahaan.
Wakiilka Midowga Yurub u jooga Adis ababa oo isna la kulmey Madaxweyne Gaas ayaa laga wada hadley Xaalada guud ee Soomaaliya, Deeqa beesha caalamku siiyo Soomaaliya, waxyaabaha kale ee la isla soo qaadey waxaa kamid ahaa Barnaamijka New Deal.
Safiirka Maraykanka iyo Madaxweyne Gaas waxay ku kulmeen Safaarada Maraykanka ee Adis ababa, waxaana si gaara looga wada hadley xoojinta xiriirka Puntland iyo Maraykanka
Safiirada Shiinaha, Jabaan iyo Ingiriiska oo iyana saaka la kulmey Madaxweynaha ayaa laga wada hadley xaalada guud ee Soomaaliya iyo sida wadamaad u taageeraan Soomaaliya.