![puntland]()
Puntland State Of Somalia
WAR-SAXAAFADEED
Talaado 25 February, Addis Ababa:- Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Addis Ababa Dibulimaasiyiin ka socday safaarada Maraykanka ee dalka Ethiopia oo ay kamid ahaayeen Molly Phee Deputy Cheif Of Mission Emabssy Of The United State Of America, Juan Clar- political -economic Officer Somalia Unit .
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iyo adkeynta xiriirka labada dhinac gaar ahaan iskaashiga dhanka amaanka, Siyaasada, kaalmadda iyo barnaamijka Dimoqraadiyaynta Puntland (Xisbiyadd Siyaasadeed).
Madaxweynaha ayaa u gudbiyay masuuliyiintan ka socday USA baahida Puntland u qabto in taageero beesha caalamku u fidiso iyo sidii gacan looga gaysan lahaa mashaariicda horumarineed.
Madaxweynaha oo maalmahan booqasho rasmi ah ku joogay magaalada Addis Ababa ayna wehelinayeen wafdi iskugu jira wasiiro iyo masuuliyiinta Dowladda Puntland ayaa u kicitimay dhanka magaalada Jigjiga.
Casumaad gaar ah ayaa uu ka helay Dr. Cabdiweli Gaas dhigiisa dowladd deegaanka Somalida Ethiopia Cabdi Maxamud Cumar.
Sawirada hoos ka daawo
Xafiiska Warfaafinta