WAR-SAXAAFADEED
Axad 23 February, Garowe:- Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar, gudoomiyaha Barlamanka Siciid Xasan Shire, Wasiiro, Taliyaasha Ciidamada kala duwan iyo masuuliyiinta dowladda ayaa ku sii sagootiyay Garoonka madaxweynaha, waxana uu salaan sharaf ka qaatay cutub ka tirsan Daraawiishta & Baambeyda Puntland.
Socdaalka Itoobiya waxa Dr. Cabdiweli Gaas ku wehelinayay wasiirka arrimaha gudaha Axmed Cilmi Cismaan, Wasiirka Warfaafinta Cabdiweli Xirsi Cabdule, Taliyaha guud ee ciidamada Difaaca Puntland Sareeye Guuto Siciid Maxamed Xirsi iyo Saraakiisha Madaxtooyadda.
Madaxweynaha ayaa safarkan Itoobiya ku sheegay mid uu kala xaajoon doono madaxda ugu sareysa dalkaasi xoojinta xiriirka labada dhinac gaar ahaan dhinacyada nabadgelyada iyo ganacsiga.
‘’Saaka waxaan u ambabaxayaa dalka Itoobiya oo aan casumaad rasmi ah ka helnay, Waa dowladda aan deris nahay oo wax badani naga dhaxeeyaan, waxaan u soconaa xoojinta xiriirka Puntland iyo dowladda Ethiopia’’ Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Maalmo kooban ayuu qaadan doonaa socdaalka Madaxweynaha Puntland ee dalka Itoobiya.
Hoos Ka Dhagayso Shirka Jarid Madaxweynaha Uu Garoonka Ku Qabtay
Sawirada Hoos ka daawo
Xafiiska Warfaafinta
Madaxtooyada Puntland